Guubaabo iyo Gar Naqsi

Jan,26,2007

Halkanka dhageyso gabeygii Guubaabo iyo Gar Naqsi iyo faaladii oo uu inoogu luuqeeynayo Akhuunaa Ibn- Cumar

Gabaygii Guubaabo iyo Gar Naqsi ee uu tiriyey abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Al-Mujaahid Sayid Maxamed cabdule Xasan (Eebe ha u naxariistee), ayaan ku soo qaadanaynaa Diirada Jimcahan waxaana inoogu luuqayn doona isla markaana faalana ka bixanaya walaalkeen Ibnu-cumar Abu-Cabdala.

Sayid Maxamed

Gabaygan oo uu saydku u tiriyey Soomaalidii munaafiqiinta iyo gala raaca ahayd iyo siduu u doortay in uu ula jihaado gaalada ku soo duushey dhulka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Xabashada, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Gabaygan ayaa ka mid ahaa gabayadii uu tiriyey xiliyaddii noloshiisa ugu danbeysey, mar ay diyaaradaha Ingiriisku duqeeyen Taleex iyo goobo kale oo xarumaha sayidka ahaa, halkaas oo ay wax yeelo ba’ani ka soo gaartey Mujaahidiintii Daraawiishta.

Isaga oo dad soomaaliyeed oo wax yeeladaas  aad ugu farax sanaa kuna digtey u jawaabayey uguna tusaalayey in aan gumaystuhu iyaga naftooda nabad galin doonin.

Gabaygan ayaa markaad aad u sii dhuuxdo, waxaa kuu soo baxaya in xaalada Soomaalida ee maanta ay san waxba iska badalin marka loo eego xiligan uu Saydka la hadlayo dadkii isugu hambalyeeyey  ka dib markii dhib soo gaartey.

Kuwaas iyo kuwa maanta daba ordaya cadowga ugu soo duuley in uu gumaysto iyo in uu la dagaalamo diintooda, ayaa haba yaraatee waxba is doorin

Waxaa uuna Saydku ku tilmaamey dadka noocaas ah in ay yihiin doqomo dabinka loo daadinaya aanan garanin, isla markaana u sacabtumaya cadowgoda midiisha u soo afaystey.

Gabayga oo lagu luuqeeyo ayaa si ka fiican qoraalka inooga dharjin kara mawduuca ku saabsan gaalada iyo gaalo raacyada oo meel ka soo jeeda iyo Muslimiinta oo iyana meel ka soo jeeda, ee dhagaysi haboon.

xigasho,Qaadisiya

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com