Galkacyo Oo Maalinkii 4aad Uuuka socdo Olole Nadaafdeed, Saraakisha Boliska Gal-mudug Oo Digniin Culus Ujeedisay daka Dhismooyinka kuleh Gooba Nadaafdu ka socoto. Daawo Sawirada By,wariye Cabdalle
 

Jan,26,2008  www.Hobyoradio.com

Magaalada Galkacyo ee xarun gobleedka Gal-mudug state ayaa waxaa ka socda olole balaaran oo dhanka nadaafadda ah kaasoo galay maalinkii 4aad oo ay hawshaasi si wanaagsan uscodto sida aad ku arkayso sawirada aan ka soo qaadany waxaa hawshaani si wadajir ah uga qayb qaadanaya dhamaan qaybaha bulshada ee reer Gal-mudug iyo waliba masuuliyiinta gobolka kuwa degmada saraakiisha Boliska iyo ganacsatada reer Gal-mudug oo hormuud u ah ayagu hawshaani  ololahaan oo ka bilawaday wada sodonka ee loo yaqaan cagaarweyne ayaa hada maraya wadadheer ee aada dhanka bari ee magaalda Gaalkacyo ee loo yaqaan jidka Bile Raflle waxaan qaybo badan oo kamid ah qaybihii nadaafada laga waday hada laga dareemayaa bilicsamai iyo qurux kadib markii laga qaaday qashibkii iyo birihii jabka ahaa ee yiilay halkaasi.


Duqa magaalada Galakacyo ee dawlad goboleedka Gal-mudug mudane Saciid Salaad Cilmi {Saciid bul-bul} oo qaybtiisa qashinka iyo dhagaxaanta ka gurayay ayaa baaq usoo jeediayay qaybaha bulshada reer Gal-mudug una sheegay in hawsha aysan ka caajisin ilaa laga gaarayo hadaafka ah nadaafadu ka  hagaagayso.


Sidoo kale taliyaha qaybta Boliska ee dawlad goboleedka Gal-mudug Max'd Nuur Cali Gadaar ayaa digniin culus usoo jeediayay dadka wadooyinka nadaafadu ka socoto dhismooyinka kuleh in ay si deg deg ah uga guuraan hadii ay ka madax adaygaana talaabo waafaqsan sharciga laga qaadayo. 
si kastaba waxaa muuqata in shacabka iyo maamulka dawlada Gal-mudug ay hiigsadeen hor'umar weyn oo dhan walba ah.


 
Hadii aan nahay bahda hobyoradio waxaan aqristayaasheena ubalan qaadaynaa inaan hadba halka ay marayso hawsha nadaafadu idiin soo gudbin doono iyo waliba sawirada aan ka soo qaadno.

Mahad Gaara Madaxda iyo Maamulka Galmudug State.

Cabdalla Max’d cabdille
Xaafiiska hobyoradio
Galkacyo,Gal-Mudug

State of SOMalia,
Mobail:002521270923
oo2525 752260

cabdalla45@hotmail.com
 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com