Saraakiil ka socotay Hay’adaha UN-ka iyo Masuuuliyiinta Gal-mudug Oo Manta Kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Dawlada goboleedka Gal-Mudug ee Magaalada Galkacyo.{Daawo sawirada}

Jan,26,2008  www.Hobyoradio.com


Kulan kaan oo mudo saacado ah ka soconayay xarunta madaxtooyada dawlada goboleedka Gal-mudug ayaa waxaa isugu yimid saraakiil ka soctay hay’adaha UN-ka UNOJA iyo masuuliyiinta ugu saraysa DG.Galmudug ee Galkacyo ku sugan ayna kamid ahaayeen kusimaha madaxweynaha Cabdi Zamad Nuur Guuleed, gudoomiyaha gobolka mudug ee Gal-muddug Xasan Faarax Barre, duqa dagmada Gaalkacyo ee Gal-mudug xuseen Cabdulle ow cali, xildhibaan axmed ducaalle {xaaf} iyo masuliyiin ka socday jaaliyada dibadda iyo ganacsato kasoowada jeeda deegaanada Gal-mudug. waxaana sidookale kulanka goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotay labada gole ee dawlad goboleedka Gal-mudug state kulan kaan ayaa ujeedadiisu ay ahayd sidii hay’adaha UN kaUNOJA ay xafiisyo uga furan lahaayeen deegaanada DG galmudug iyo meela kamida gobolka Galguduud.



waxaana kulan kahadlay Golden Berrow oo kasocday UNJCR isagoona faah faahiyay ujeeda ay u yimaadeen maanta deegaanada Gal-mudug oo uu sheegay in ay ka war heleen abaaraha iyo dhibaatooyinka bani aadanimada ee ka jira deegaandaan Gal-mudug ayna diyaar u yihiin in ay hawlahooda ka bilaabaan deeganada mudug iyo Gal-gaduud.


 
Gudoomiha gobolka mudug ee Gal-mudug state Mudane Xasan faarax barre oo dhanka dawlada Gal-mudug u hadlay ayaa uga warbxiyay
saraa kiishii kasocday hay,adaha UNka UNOJA sida uu yahay amniga DG Gal-mudug iyo sida dadka deegaankaan ku nool ay ugu baahan yihiin wax qabad ka hay’adaha samafalka.


Masuuliyiintii kasocday hay’daha ayaa sheegay in ay ugu mahad celi nayaan dadka deegaankaan gal-mudug sida ay usugeen amaanka wadad laamigaa ee isku xira gobolada mudug iyo galguduud  dhinaca kale waxaa isna kulankaasi kahadlay Xildhibaan Axmed Geelle Ducaalle {xaaf} oo dhawaana yimid magaalada gaalkacyo waxa uuna xildhibaanku sheegay in xiligaani ay kajiraan gobolkaan abaaro saameeyay dadka iyo xoolaha kunol goblkaan sidaas daadeedteed loo baahanyahay in hay’aduhu ay xafiisyo kafurtaan deegaa nadaan galmudug si ay ugufududaato wax ka qaba shada arimahaasi
waxana kulankii manta ka dhacay xarunta madaxtooyada dawlada goboleedka gal-mudug oo ahaa mid xasasi ah aydoona inta badan la isla garat dhanaan qodabdii laga wada hadlay kadibna ay wafdiga UN-ka si wanaagsan aygoo farxsan uga rawaxeen xarunta madaxtooyada Gal-mudug state.


 
Cabdalla Max’d cabdille
Xaafiiska hobyoradio
Galkacyo,Gal-Mudug State
of SOMalia,
Mobail:002521270923
oo2525 752260

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com