Hawlgalkii Ugu Waynaa Ee Nadiifinta Wadooyinka Magaalada Galkacyo Ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug State Oo ka Bilawday Jidka Bile Raflle. {Daawo Sawirada}

Jan,28,2008  www.Hobyoradio.com

Howl galkaan oo socday muda  lix saacadooda ayaa waxa uu saaka ka bilowday wadada Bile Rafle ee magaalada Galkacyo ee dawlad goboleedka Gal-mudug state halkaasoo lagu burburiyay goobo ganacsi  oo kuyaalay   hareeraha iyo bar tamaha wadadaasi  goobaha ganacsi ee saaka labur buriyay ayaa ahaa jiingado iyo miisas  lagu iibin jiray maciishado kala duwan waxaana bur buriyay mulkiilayaashii lahaa  goobahaasi ganacsi.   taas oo kadambaysay digniin maalintii shalay ahayd ka soobaxday gudiga ganacsatada iyo ciidamada amaanka Gal-mudug.

 

   

kaasoo farayay ganacsatada inay gacmahooda ku burburiyaan goobahooda ganacsi hadiikale si qasaba looga burburin doono goobaha ay burburinta kasocotay ayaa waxaa kusugnaa  5 gaari oo nuuca dagaalaka ee tiknikada Gal-mudug ah  kuwaasoo sugayay amaanka goobaha burburintu ay ku socotay.

Boqolaal dad weyne ah oo ku dhaqan magaalada Galkacyo ayaa  ka qayb qaatay howlaha lagu bur burinayay goobaha ganacsi ku waasoo ku shaqaynayay iskaa wax uqabso maadaama ay goobahani ahaayeen kuwo sharci daro kudhisan isla markaana wax udhimayay bilicda magaalada Gaalkacyo.

Taliayah qaybta Boliska ee Gal- mudug Maxamed Nuur Cali Gadaar oo kusugnaa wadada Bile Rafle oo howshu ay ka socotay  ayaa hobyoradio usheegay inay san jirin wax caqabadaa oo dhinaca amnigaa oo ka horyimid howlaha lugu bur burinayay goobaha sharcidarada ah waxa uuna sheegay Col. Max’ed Nuur in  shacabka Gal-mudug ay wanaagooda garteen ayna shaqada wax ka wadaan.

   

Goobaha ganacsi ee labur buriyay ayaa qaar kood waxaa lahaa dad danyara oo koriya caruur ogoona, Hasa ahaatee waxaa socda qorshe dawlad goboleedka Gal-mudug uu ku doonayo inuu kufuro suuqwayn oo dadka goobahooda lagu amray in ay burburiyaan boosas lagasiindoono sida uu hobyoradio usheegay Duqa magaalada Galkacyo ee Galmudug Inj. Siciid Salaad Cilmi {Siciid Bulbul}

Mudane Siciid Bul Bul ayaa shaaca ka qaaday in hawshaani balaaran ay tahay mid dani ugu jirto dadka udhasahy deegaanka Gal-mudug oo dhan aysana hayn wax dano gaar ah laga leeyahay.

Hawshaani bur burintq goobaha ganacsiga ee hareeraha wadada ayaa ka danbeeyay ka gadaal mudo’ afar maali ah oo ay socdeen halo nadaafada xaga qashinka ah oo xaafadaha iyo wadooyinkaba ka socday hawsha bururinta goobaha gancsina ay qayb ka tahay bilicda magaaladda maadama qashinkii la nadiifiayay.

Si kastaba waxaa muuqata in hawshaani balaaran oo ay gancasatada maamulka,dadweynaha,iyo ciidamada nabad galyadu iska kaashanayaan aysan ku soo dhamaan Karin xiligii loogu tala galay oo horay loo shaaciyay in mudo 5maalin ah lagu soo afjarayo balse ay muuqato in hawshu ay sii soconayso marka la eego goobaha wali harsan ee dhismooyinka ah aydoona aysan meesha ka marnayn in dad horay arinta goobaha ganacsi diidanaa in lag bur buriyo ay hada ayagu gacantooda ku qaadayaan oo waxaan goobo badan oo aan soo maray indhahaygu qabanayeen sandaqado iyo dhismooyin kale oo dadkii lahaa ay gacantooda ku duminayaan Taasina ay tahay hor’umarka hawshaani balaaran laga gaaray nadaafada iyo bilicsamida guud ee wadooyinka iyo xaafadaha magaaladda Gaalkacyo ee Dowlad goboleedka Gal-mudug state.

Cabdalla Max’ed Cabdille
Xaafiiska hobyoradio
Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia,
Mobail:002521270923
oo2525 752260

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com