Ururada Bulshada Ee Gal-Mudug Oo Soo Dhaweeyay Hawlaha Balaaran Ee ka Socda Deegaanda Gal-mudug State.

Jan,28,2008  www.Hobyoradio.com


Qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanda Gal-mudug ayaa waxaa si isdabjoog ah ka uag soo yeeray hambalyo iyo taageero ay u jedinayaan madaxda,Gancsatada,gudiga nabada galyada, saraakiisha ciidamada,iyo dhamaan inta gacant weyn ka gaysatay hawlaha balaaran ee ka soconaya deegaand adawlad goboleedka gal-mudug satate gaar ahaan magaalada Galkacyo.


C/Qaadir Daahir Cabdi {xalane} oo ka mid ah ururada bulshada ee deegaanada Gal-mudug ahna wakiilka ururka lagu magacaabo passo oo ka mid ah ururada samfalka ee ka jira deeganada Gal-mudug gacana ka gaysata dhinacyada wax barshada iyo caafimaadka ayaa warysi uu siiyay warbaahinta hobyoradio ku heegay isla markaana ugu horayn hanbalyo usoo jeediayay qaybaha kala duwan ee madaxda Gal-mudug ee wada dadaalka balaaran ee ka soconaya deeganada gal-mudg gaar ahaan dhanka nabad galyada,caafimaadka wax barshada,iyo hawlaha nadaafda deegaanka ee hada ka socnaya magaalda Galkacyo.


C/qaadir Daahiir Cabdi ayaa sheegay inuu aad ugu farxsanyahay hor’umarka dhinacyada badan ee dawlad goboledka Gal-mudug ku talaabsatay asgoona sheegay in arintaasi allaah ka sokow ay mahadeeda leeyihiin culima udiinka deeganka oo hormuud u ahaa taasoo la xasuusan yahay shirwaynihii balaarnaa ee ka dhacay deeganka Bandiiradley oo ay kasoo bexeen da daalada hada ka socda deegaanda Gal-mudg oo nabada galyadu ugu horayso.


Mudane c/qaadir daahir oo aan waydiiyay su’aal ahayd uruka wakiilka uu uga yahay gobolka gacn itee la eg ayuu ka gaystay hawlahaan ka socda deegaana Gal-mudug? ayuu sheegay in ururkiisa uu yahay urur samfal oo mar kasta hadii nabadi jirto iyo hadii kalaba uusan ka caajisayn hawlaha uu uhayo shacbka gaar ahaan kuwa ay haystaan dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha iyo waliba barakaca hadana uu ururkiisa dhanka wacyi galinta iyo wixii dhaqaale ahba o looga baahdo uu diyaar la yahay uuna u horayo hor’umarka wadanka ee dhan walba ah meel kasta oo ay joogaan umadda soomaaliyeed.


C/qaadir daahir wakiilka ururka PASSO ee gobolka mudug ayaa ugu danbayn ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada in aysan ka caajisin gacan ka gaysataan hawlahaan ka socda magaalada galkacyo iyo deegaanada aku teedsan.


Hadalka ka soo yeeray qaybaha ururada samflaka ee gobolka ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay deegaanada Gal-mudg ay ka socdeen hawlo balaaran oo wax looga qabanayo dhanka nadaafadda guud ee deegaanka.


Cabdalla Max’d Cabdille
Xaafiiska warbaahinta hobyoradio,
Galkacyo,Gal-Mudug State
SOMalia,
Cabdalla45@hotmail.com


Wakiilka Ururka passo Ee G.Mudug
C/qadir Dahir Cabdi
qaraare7@hotmail.com
 

Gabay  Dabadhilif  Tigree soo horkacey iyo walee duufle baayimide.
May-muun Sheekh Aden.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com