Diinaari iyo suxufiiyiin ajnabi ah oo ku dhaawacmay shil gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Wanle-weyn Ee gobolka sh/ hoose.

Jan,29,2007  

Afhayeenka dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) iyo suxufiyiin u dhashay dalka Kenya oo howlo u shaqo u joogay magaalada Muqdisho ayaa maanta ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay meel wax yar uun ka sokeysa degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose.

Gaariga la qalibmay afhayeenka dowladda oo qeyb ka ahaa gawaari fara badan oo la socotay ra'isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno ka kala tirsan labada gole ee dowladda oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay si ay uga qeyb galaan doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya oo lagu wado 31-ka bishan iney ka dhacdo magaaladaasi.

Sida uu sheegay darawalkii gaariga uu la socday afhayeenka dowladda iyo suxufiyiinta kale ee ku dhaawacmay shilkaasi oo isagu lagu magacaabo Maxamed Cabdalla Siidii shilkan ayaa yimid markii iyagoo maraya meel u dhow degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose dameer ka soo fakaday rarkii saarnaa uu si kedis ah ku soo galay wadada taasoo keentay in gaarigii uu wadada ka baxo oo sidaana uu ku qalibmay, wuxuuna xusay in isagu ay shilkaasi ka soo gaareen dhaawacyo fudud oo u suurta geliyey in safarkiisii uu ugu sii jeeday Baydhabo uu sii wato, isagoo tilmaamay in afhayeenka dowladda C/raxmaan Diinaari iyo Suxufiyiinta kale ee dhaawacmay loo soo qaaday dhinaca magaalada Muqdisho si looga daweeyo dhaawacyo aan sidaa u sii buurneyn oo shilkaasi ka soo gaaray.

Afhayeenka dowladda federaalka C/raxmaan Diinaari ayaa isagoo ku sugan Isbitaalka Keysaney oo ku yaala duleedka woqooyi ee magaaladan Muqdisho waxa uu sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo dhaawac fududna uu ka soo gaaray dhinaca farta bidix, iyadoo dhinaca kale warar soo baxayana ay sheegayaan in C/raxmaan Diinaari iyo suxufiyiinta kale ee la dhaawacmay saacadaha soo socda loo duulin doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya si halkaasi loogu soo daweeyo.

Cabdalla maxamed cabille

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com