Gabay Wadani ah oo ay
Tirisay May-muun Sheekh
Aden.Dabadhilif
tigree soo horkacey iyo
walee duufle baayimide.
Jan,29,2007
Hobyo Radio
News Media
waxaa
gabay gaan uu ku curtey
xaalada wadan keenii hooyo
meeshuu marayo iyo sida ey
uga jiifaan dadkii
soomaaliyeed iyo siiba
ragii intii wax gasheyna
wey ka seexdeen oo
indhaha ka eeganayaan
intii kalana waata gaalo
baar raaceyso iyo sida la
isugu tagey meel gaal
joogaba waataa la arki
wayay nabadii ey keeneen
maxaakiimtii islaamiga iyo
kacdoonka shacabka oo kaa
wadan kii tigree gacanta
loo gali yey gaajo heysa
qof kasta oo damiir leh
ha ku quusto nabadii
shaley iyo tan maanta
taagan iyo ujeedka uu
gaal wato hana is wey dii
yeen raga soomaali yeed
waxey sugayaan waayo
waxaan anigu qabaa in bal
hadii aad wax tari wey
seen aad inoo soo gud
bisaan hadaan dumar nahay
bal nagu eega in kastoo
taliska dumarka aanuu qeyr
ku sheegin rasuul keenii
nabadgalyo iyo naxariis
korkiisa ha ahaatee hadana
waxaanahay naf la caari ee
ragow talo keena:
daba dhilifku wuujiri
jiriyo waliba duuflaale
waxaanse aniga iga
daadageyn oo caqligu
diidey baajiraye
dad dhan iyo dalkoodaa
lagadan dunidan aan joogno
dadku wuu kala dabaqad
roon yahaye tigreey
qandhicil dararaq leynaayo
dani ninkey ka geyn
weysaye wali kudoodaaya
doolarkaa raqiistaa ood
inaga naga dul qaadeysid
daacuun iyo kaqaad cudur
laguudeyrsho
duraan iyo kaqaad daano ku
asiibta
dadka kii kula kulmaa uu
lacnad kugu daayo
dabada meeshaad dhigtaba
daa in kula gooyo
dad hareebin duunyana
kadaran furuq laguu deyri
dagaal ooge duqii dacayda
laa laadey
daanyeer dhargiyo badniga
uga ekaa dumar la uureeyey
dad wuxuu halaagoo dunida
dhiig dur duriyaaba
da`duu jiro mar horaa
daa`in oofsadaye
dulmiguu galahayaa loo dib
dhigayaaye
dagaal ooge wuxuu dunida
soojoogo
mamaantuu duub ra iis
xidhoo dunida heehaabay
durba uudalkii iibsadaye
tikreey dalaq kusoo siiyey
ducaad
iyo caruurtii wakaa damta
kaga saaray
dadkii laaye waa kuwaa
dumar iyo caruur gaalku
dabar gooye
dadkaad leysey iyo
daarahaad dumisey
duulaankan qaawan ood soo
giiratiyo guluf
colaadeedka
duulbaa qori duulbaa kaa
dabaaqtamiye
gumeysiga dadneceb baa
jiroo geeri door bidaye
waa xisaab adiga kuu
daadagtoo duul un baa
qoriye
doonida xisaabtuna mar bey
dacalka soo xirane
galbiskii tigreeygee xamar
lagugu soo galiyay
sidii gabar aroosana
tartiib dirac laguu gali
yay
nabad in aad ku geegaartaa
walloo waa garaad yariye
gacalkaad gumaadiyo wallee
geeshash baajiraye
go`itaanka noloshaada iyo
wallee geeri baad sugiye
ka gar guuro xamar intaan
lagugu goobeynin
gaalkiyo dad necebaa ku
jira danaha gaarkaaye
duuf
laalku wuu badan yahaye
hadaan dacal kasii raacsho
door nina haduu jiri
jiriyo deeqsi lalayaabo
doqon iyo wuxuu dhali
karaa dabacsan wiilowe
da`dii jananku uudhalay
ayaan diidey oonacaye
janankoo isdaayoomar hore
daa in oofsadaye
dabadhilif usaamuu ahaa
ayaan diidey oonacaye
diyaaraad casriya oo
hawada naga duqeynaaya
cirka naguma deeqdide soo
dagaan diidey oonacaye
hal dal baanahay tigrey
xuduudana ladumi ayaan
diidey oonacaye
da laduugey baa adiga
kaadugaal wacane
dibnahaagu haduu qalalo
oon risaqa daa in kula
doonin
daa in baa latuugaa inuu
roobsan kuu da aye
dabadhilif ninkii nagu
noqdee doolar nagu qaata
dareen soodag daga iyo
rabigey daano ha ukeeno
da`duu dhalo malag dafoon
deynin ha ukeeno
duuf laalku wuubadan
yahaye hadaan dacal kasii
raacsho
duul aan lagaranayn iyo
walee diilax baayimide
dabadhilif tigree soo
horkacey iyo walee duufle
baayimide
doqon gaajo dilatoo mar
qura dabacdey weeyaane
da`da yuusuf kayar ee
ganaha doofaarleh
dadka hadaan laga qaban
wallaa geeri loo dumiye
dameeruhuu durijiriyo
idaha deexeede
dadkuu doonayaa in uu
kuduro feyrus dameeraade
damalada rasaastiyo hadaan
raran la deeq siinin
dadkii iyo dalkii walee
duufle wuu gadiye
May-muun Sheekh Aden