Waa In Laa Baa'biyaa Xadudaha Somalia Iyo Ethiopia Oo Baasabor Iyo Ciidan Mida Wada Yeshan..."Xuseen Caydiid

Arbaco,Jan,3,2007  Muqdisho,Somaaliya

Ra'isulwasaare K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha dowladda KFMG ah ee Somalia, Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa shalay shaaciyay qorshe lagu damacsan yahay isu soo dhowanshaha Ethiopia iyo Somaliya, kaaso lagu baabi'nayo xuduudaha u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Ethiopia.

Eng. Xuseen Ceydiid ayaa kulan uu shalay kula yeeshay daarta Villa Somaliya ee Muqdisho Odayaasha iyo guurtida magaaladda Muqdisho oo looga hadlayay arimaha amniga iyo wada shaqeynta ayaa shesegay in Ethiopia iyo Somalia yihiin laba dal oo walaalo ah, sidaas darted loo baahan yahay in la baabiyo xududaha u dhaxeeya labada dal oo baasaboor qudha iyo ciidan qudha ay wada yeeshaan Ethiopia iyo Somalia.

" Ethiopia iyo Somalia waa dalal dhinaca siyaasadda saaxiibo ku ah, lehna xuduud 2 kun oo KM ah, loona baahan yahay in la baabi'iyo xuduudaaasi, lana sameeyo hal baasaboor, hal dhaqaale iyo hal ciidan" ayuu ydhii Xuseen ceydiid oo tusaale ahaan u soo qaatey in dalalka Yuruba ay midoobeen markii ay dagaalameen ka bacdi.

Xuseen Caydiid waxa uu aad ugu fogaaday oo uga hadlay sida ay lama huraanka u tahay soo dhoweynta ciidamada Ethiopia.  

Hadalkan ayaa waxa uu noqday mid fajac iyo yaab ku noqday dhamaan dadka reer Muqdisho iyo dadka Somalida ah gebi ahaanba, kuwaasoo is weydiinaya qorshaha dhabta ah ee dawladda Cabdilaahi Yusuf iyo ciidamadda Ethiopia ka damacsan yihiin Somaliya.

 Yaab iyo dhakafaar (Gabay)

Gabaygani wuxuu daba joogaa warkii uu Xuseen Caydiid shalay ka jeediyey Villa Somalia laguna faafiyey warbaahinta caalamka iyo tan gudaha.

Haddii sida uu Xuseen manta sheegayo khalad looga turjumay waxaa la hayaa warkii oo cod ah marka isagaa laga rabaa in uu ka dabaasho. Xitaa haddii uu wanaag wax wada qabsi dhex mari lahaa labada dowladood ma joogto xiligeedii maxaa yeela dad siman ayaa wax wada qeybsada hadana Itoobiya iyadaa awood sheegatay marka ma ahan waqtigeedii, sidaa aawadeed hadalkaasi marna meesha ma qabto haddii balanqaad iyo fariin ahaan uusan u soo gudbinin Xuseen. Tixdan gaaban ayaan ku cabiray ra’yigeyga bog kasta oo u ku soo baxaana maahan lagama maarmaar in ay ila qabaan oo waa fikir aniga markan igu gaar ah.   

Hadaaney dhicin naftu oo cimrigaa dheeraado

Marmar bey dhegahaagu maqlaan yaab iyo dhakafaare

Dhagar iyo naxli-buu ahaa eraygaad ka dhex tiri Odayo dhaqameedka

Naxdin baan la dhacay Xuseenoow dhawaaqaagii shalaye

Nac allaa kugu dhacay hadaad u xilatay dhuuni adoon sharafna dhowrayne

Uma dhigan inaad Dhilif iyo kabaqaad u noqon dhurwaagii bariye

Uma dhigan inaad iibsan dhiig walaalkaaye

Uma dhigan inaad soo dhardhigan adoo dhaqan-kii doorshaaye

Uma dhigan inaad dhaawici magacii geesigii ku dhalaye

Waa dhuuntaan lahaa oo ma dhiman wadanigii magaca dheeraaye

Wallee, Waa ku dhalee I soo raac iyo dhaxal “garaad” laga quusay

Dhagax, Bandiiradley, iyo Gelinsoor, bari dhinaceeda

Dhaawac iyo bukaan baa yaal dhiig aan loo shubine

BM iyo kobraa lala dhacay sidii ugaar kabdhood lagu dheelay  

Meydkaa dhir iyo banaanba la waray sida  roob la soo dhaca‘e

Mar hadaad xil-dhibaan u tahay umaadaan labada dhinac le’atay

Inaad wax uun ka dhahdaa kuu ekeyd xil kama dhalaaloowe

Dhebedkii ayaa Cadaado u yimid inuu dhaawac tiriyaaye

Umana aadan soo dhiibin daawo waxuun lagu dhayo’e

Maxaa wasiir baan ahay noo dhahdaa adigoon dhiilna noo kabinin

Adoo ka dhacsan xilkii iyo sababta laguu dhiibay

Dheelitirka awoodaha lagu dhidib yeelay

Oo dadkaaga dharaar iyo habeen marna soo dhuganin

Inaad dhantaashaa maandeeq oo dhaawacdaa calanka

U dhalan-dhoolisaa Tigree waa waxaan dhacaheyne

Dhiig baa ku baxay xornimada maandhoow adoon weli dhalane

Ha is-dhibin dhexda ceynkaa u go’an dhaankaad sii rariye 

X. Kullane

xkullane@yahoo.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com