QORAALKA BEESHA CAYR U
GUDBISAY RA’IIL WASAARAHA
DOWLADDA KMG SOOMAALIYEED PROF.
CALI MAXAMED GEEDI.Arbaco,Jan,3,2006
Taarikh: 2/01/2007
Ujeedo: Talooyin
Hordhac
Ugu horreyn, waxaan ka
mahadcelineynaa qaabiladda
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG
Prof. Cali Maxamed Gedi u
fidiyay Beesha Cayr oo ka
dhacday Magaalada Muqdishu,
maanta oo taarikhdu tahay
02/01/2007.
Kaddib markii Ciidammada
Ethiopia soo galeen Magaalada
Muqdisho, Beesha Cayr waxay u
howlgashay adkeynta nabadgelyada
iyo xasillonida Magaalada
Muqdisho, waxayna qaaday
tallaaboyin looga hortagayo isku
dhac shacbiga soomaaliyeed
dhexdiisa iyo isku dhac
ciidammada Ethiopia iyo shacbiga
ku nool Magaalada, taaso noqotay
miro dhal ilaa hadda. Haddaba,
waxaan soo jeedineynaa
talooyinka soo socda si nabadda
iyo xasillonida jirta u waarto.
Maslaxadda Beesha Cayr
waxay ku dhex jirta maslaxadda
Caamka ee dalka iyo dadka. Sidaa
darted, waxaan rajeyneynaa in
talooyinka hoos ku qoran deg deg
wax looga qabto si loo helo
kalsoonida Shacbiga soomaaliyed
Talooyin
Ayadoo laga faa’ideysanayo
fursadda la soo gudboonatay
dalka, waxaan soo jeedineyna
qodobbada soo socda:
1. In la abaabulo wada hadal
siyaasadeed ee loo dhan yahay
(inclusive dialogue) ee dhexmara
Ummadda soomaaliyeed, sababha
soo socda dartood:
a) Labadii sano iyo bar ay
jirtay Dowladda KMG ee Soomaliya
waxaa dhexdeeda ka taagnaa
khilaaf qoto dheer oo
howlaheedii curyaamiyay..
b) Waxaa lagu tuntay Axdigii KMG
ee lagu guddoonsaday Shirkii Dib
U heshiisinta Soomaliyeed
Nairobi, Kenya
c) Waxaa lagu xadgudbay habkii
awood qaybsiga, cadaaladda iyo
kala qaybinta awoodaha dowladda
ee ku qeexan Axdiga KMG..
d) Ayadoo dowladda kala qaybsan
tahay, ayaa dalka soo galeen
Ciidammada Ethiopia.
e) Waxaa dhacay ama weli socda
maamulxumo iyo dhaqammo ka soo
horjeeda nidaamka dowliga ah.
f) Kaalmada caalamiga iyo la
shaqeynta dowladda waxay ku
xiran tahay heshiis lagu gaaro
wada hadal siyaasadeed sida ku
cad Go’aanka Golaha Ammaanka ee
Qarammada Midoobay iyo warka cad
ee ka soo baxay Wasaaradda
Arrimaha ee Dowladda Mareykanka
29 Desember 2006.
2. In dib la isugu yeero
Barlamaanka Federaalka
Soomaliyeed si buuxdana u
shaqeeyo si loo xajiiyo inuu
matalo danta iyo maslaxadda
Ummadda Soomaliyeed.
3. In dowladdu Federaalka
Soomaliya soo bandhigto
barnaamijka ay dooneyso inay uga
faa’ideysato Ciidammada Ethiopia
ee dalka soo yimid ee waxtar u
noqon kara bulshada soomaaliyeed.
Isla markaana la qeexo xiriirka
sharciyadeed ee u dhexeynaya
Ciidammada Ethiopia, Dowladda
Federaalka Soomaliyeed iyo
Shacbiga Soomaliyeed.
4. In laga digtoonaado ka hadal
xaalad amar deg deg ah taasoo ka
soo horjeeda Axdiga KMG iyo dib
u heshiisinta. Sheegashada
awoodaha amarka deg deg ah waxay
soo dedejinaysa xasilloni darro
iyo qalalaase hor leh.
5. In la dhiso ciidammo Federal
ah oo dhab ah lana dhowro habka
Gobollada ee dhismaha Ciidammada
ee ku qeexan Axdiga KMG. Waa in
si deg deg ah loo ababuulo
ciidammadii qalabka sida ee
soomaliyeed si ay Ciiidammada
Ethiopia ugala wareegaran xilka.
6. In dowladdu aysan marna isku
dayin inay dadka ku kashabto
bixinta lacag inta hay’adaha
sharciga ah iyo shuruucda lagu
maamulayo la dhammeystirayo.
7. In hub ururinta loo maro
habka ku tilmaaman Axdiga KMG.
8. In laga qaado xannibaada
dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo
dhaqaalaha dalka si bulshada
dagaalada iyo colaadaha ay
dilootay u kasbadaan nolol
maalmeedkooda.
9. In la joojiyo lacagta cusub
ee dadku diidan yahay inta uu ka
howl galayo Bankiga Dhexe ee
Soomaliya.