Wadooyinka Magaalada Galakcyo Ee Gal-Mudug Oo ay wali si Wayn Uga Socdaan Hawl galladii Soo Celinta Bilicda Magaalada. {Daawo Sawirada}

Jan,29,2008  www.Hobyoradio.com

Hambalyo iyo Bogaadin Kusocota Wariye Cabdalle M. Cabdille oo U taagan Soo Tabinta Wararka Galmudug State. Mahad Ka timid  C/aziz Xogolof.

Waxaa wali si wanaagsan uga socda magaalada Galkacyo ee dawalad goboleedka Gal-mudg state hawshii balaarnayd ee lagu soo celinayay bilicdii iyo quruxdii wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Galkacyo oo in mudo ah aan helin cid siadaan oo kale uga hal gasha iskuna xilqaanta waxana horay magaalada looga saeeyay ololaha dhanka nadaafadda ah oo inta badan lagu guulaysatay in wixii qashin ahaa la qaado waxaana hada socda bur burinta dhismooyinka wadooyinka qarkooda saran oo sharci daro ku dhisnaa aydoona saakay la arkayay goobo badan oo caan ahaa ayna ku jiraan maqaaydo waa wayn oo wada ku jiray oo gabi ahaanba la bur buriayay aydoon aay hawshasi ay walib fulinayaan dhamaan shacbaka iyo waliba milkiiliyaasha goobahaasi ganacsi.

   


Wada loo yaqaan astaan hobyo waa wado caan ah oo maanta hawsha inta abdan ay ka socoatay waxaana ka qayb qaadanya dhamaan qaybaha bulshada ee reer Gal-mudg state aygoona ku faraxsan hawshaani balaaran ee bilicda magaalda lagu soo celinayo.

   


 Maalmaha soo socda yaa la filayaa in hawl galkaani uu ku sii fido qaybaha kala duwan ee harsan ee hawshanai laga fulinayo gawaarida tiknikada ee Gal-mudug state ayaa aygu heegan u ah mar kasta in ay sugayaan amaanka guud ee xaafdaha iyo wadooyinka ay shaqadu ka socoto aygoona ciidamda amaanka ee gal-mudg ay talabao ka qaadayaan cid kasta oo ay u arkaan in ay hawsha socota wax udibikaraan.


Maal maha soo socda hobyoradio kala soco qaybaha kale ee sawiro iyo warbxino ku saabsan hawlaha nadaafadda guud ee wadooyinka iyo xaafdaha maagalda Galkacyo ee dawlad goboleedka Gal-mudug state.


Cabdalla Max’d Cabdille
Warbaahinta Hobyoradio
Galkacyo,Gal-Mudug State SOMalia,
Mobail: 002525 752260
002521 62270923

cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com