![]() |
||
|
|
||
|
Kulan Looga Hadlayay Nababgalyada Gobolka Mudug Oo Manta Ka Dhacay xarunta Maamul Goboleedka Gal-Mudug State Ee Magaalada Gaalkacyo.
Jan,30,2008 www.Hobyoradio.com
Xarunta Madaxtooyada Galmudug State
Kulankaan oo
uu shir gudoominayay gudoomiyaha gobolka mudg ee dawlad
goboleedka Gal-mudug state Xasan Faarax Barre ayaa looga
hadlayay nabada galyada guud ee gobolka gaar ahaan Gal-mudug
state.
Mudane xuseen cabdulle Awcali waxa uuna sheegay in kulankaani ujeedadiisu ahayd nabad galyada gobolka mudug ee Gal-mudug state asgoona sheegay inlagu lagfa guray dhibaatooyinka habeenadii ugu danbeeyay qaar ka tirsan xaafdaha magaalada Galkacyo ay ka gaysanayeen kooxo burcad ah oo dhibaato ugaysanya daka rayid ah kana qaadanaya wixii ay wataan mararka qaarna ayba dil ugaystaan bulshada Xuseen Cabdulle aw cali ayaa ugu baaqay qaybaha bulshada ee Galkacyo in ay iska kaashdaan wax ka qabshada burcadaasi maamul ahana ay gacan bir ah ku qabnayaan kooxahaasi nabda galyo darida ka wada magaalada Galkacyo.
Gudoomiyaha oo aan wax ka waydiinay halka ay maryaan kulamdii ay maal mahaan la lahayeen hay’adaha samfalka gaar ahaan kuwa UN-ka ee dhawaan soo gaaray deegaanda gal-mududug ayuu sheegay in hawshaasi ay meel fiican marayso ayna hay’aduhu mar haw hawlahooda ka bilaabayaan deegaanda Gal-mudug state.
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||