Hawl Wadeenadii Ha;adda MSF Oo Galkacyo Ka Anbabaxay Maamulka Isbitaalka Galkacyo Oo ka Warbixiyay Bixitaanka MSF Holand.Dawo sawirada

Jan,31,2008  www.Hobyoradio.com


Waxaa magaalada galkacyo iskaga baxay hawl wadeenadii hay’adda aan xuduuda lahayn ee MSF H.ee k ahawl gali jiray isbitaalka weyn ee magaalada Galkacyo ee dawlad goboleedka Gal-mudug state.

Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Galkacyo Galmudug Dr. Max'ed Cabdi



Hawl wadeenadaan oo shalay galinkii danbe ka duulay garoonka diyaardaha ee magaalada Gaalkacyo aya gaaraya ilaa 8 quurx oo dhaqaatiir iyo kal kaaliyaal MSF ah kana hawl galyay isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo ee Gal-mudug state.

Shaqaalihii Ka Amba Baxay Isbitaalka Guud Galkacyo.


Agaasimaha guud ee isbitaalka magaalada Galkacyo D.r.Max’d Cabdi Ax’d ayaa sharaax ka biyiayay bixitanka hawl wadeenada msf wax uuna sheegay in ay ka qayb galayaan baroordiiq loo samaynayo saaxiibadooda dahawaan lagu dilay magaalada kismanyo ee xarunta goblka J.hoose oo inta abdan sahqaalaha MSF ay iskugu tagayaan magaalada nayroobi ee dalka Kenya.


Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in uusan garan Karin xiliga ay soo laabanayaan hawl wadeenada balse hawsha isbitaalka ay ay sii socon doonto ayna sii wadayaan dhaqaatiirta iyo shaqaalaha kale ee isbitaalka ka shaqeeya uu ku rajo waeyn yahay in ay shaqaalaha msf soo labanayaan inta ka horaysana shaqadu sii socon doonto..


Mar aan waydiiyay Dr. Max’ed Cabdi inta qof ee hada ka shaqaysa isbitaalka ayuu sheegay in ay ka shaqeeyaan in kabadan 180.qof oo qaybaha kala duwan ee isbitaalka ka hawl gala asgoona agaasime D.r.Max’d cabdi ugu baaqay shacbka in ay isbitaalka uu uu furanayahay oo ay shqadii socto
Hawl wadeenada hay’adda MSF ayaa mudo shan sano ah ka shaqaynayay isbitaalka magaalada galakcyo ee gal-mudug satate oo asgu noqday isbitaalka guud ee gobolada dhexe waxaana daku ay uga yimaadaan guu ahaan gobolada dhxe ee bartamha dalka soomaliya iyo kilinka shanaad ee ithobiya waxaana daku ay isbitaalka ka helaan dhaqaatiir, Daawo, jiif iyo waliba tasiilaadka kale uu uu baahan yahay bukaanka ee imaanaya isbitaalka magaalda Galkacyo.


Maalinimadii shalay ayaa sidoo akle hawl wadeenada hay’adda msf holand iskaga baxday magaalooyinka jawhar,guriceel,iyo meelo kale aydoona arintaani ay ka danbaysay ka gadaal markii qaar ka tirsan shaqaalhooda lagu weeraray magaalda kismaanyo halkasi ay ku geeryoodeen hawl wadeenada msf iyo dad soomaali ah oo usahaynayay waxaana arintaasi si weyn uga xumaaday dhaaman shacbka soomaaliyeed maadama msf aytaakulayso daka dhibaataysan ee ku nool aduunka qaybihiis akal duwan oo afrika ay ugu badan tahay.


 
Cabdalla Max’d Cabdille
Warbaahinta Hobyoradio
Galkacyo,Gal-Mudug State SOMalia,
Mobail: 002525 752260
002521 62270923

cbadalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com