![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Kooxo Dabley ah ayaa dad ku
dilay deegaanka Dhagtuur oo ka
tirsan degmada Cadaado ee
gobolka G/gaduud.
Khamiis,Jan,4,2007 Ilaa iyo 5 ruux ayaa lagu dilay deegaanka Dhagtuur ee duleedka magaalada Cadaado sida ay tilmaamayaan wararka halkaasi saakay laga helay. Dilka 5taan ruux loo geeystay oo dhacay habeen hore ayaa waxaa fuliyay kooxo burcad ah oo hubeysan, iyadoo dadka geeriyooday ay ku jiraan nin iyo labo caruur ah uu dhalay, xilli ay ku jireen guri lala beegsaday baasuuke, halka labada kalena meel aan ka fogeyn. Ku dhinteyn Xiisadahaan dagaal ee ka taagan deegaanka Dhagtuur ayaa ah kuwo soo noqnodey, iyadoo ay salka ku hayaan arimo aargoosi. Maxkamadaha islaamka xilligii ay ka arimin jireen halkaasi ayaa waxa ay xakameeyeen in labada beelood ee isku haya halkaasi aanu sameyn wax iska horimaad ah, laakiin markii daaqada ay ka baxeen maxkamadaha ayaa waxaa bilowday mar kale dial aargoosi ah oo u dhaxeeya labadaasi beelood. Cabdale Maxamed Cabdulle Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||