![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Maalintii Isniinta ahayd ee taariikhdu ahayd 1-da January ayuu ra'iisalwasaaraha dowladda kmg ah ku dhawaaqay in hubka lagu uruuriyo 3 maamood.
Khamiis,Jan,4,2007 hubkooda ku geeyaan meelo labo meelood oo kala ah Villa Baydhabo iyo dekedii hore ee magaalada Muqdisho. ra'iisal wasaare Geedi wuxuu sheegay in hubku uu dhibaato keeni karo isla markaana uu ku haboon yahay in uu ku ekaado gacanta dowladda. laakiin wixii mudadaasi ka dambeeyay hubka ilaa iyo hadda loo gacan geliyay dowladda kmg ah waa mid aad u yar. salaad Cali Jeelle wasiir ku xigeenka Gaashaan dhigga ee dowladda federaalka ayaa shalay saxaafadda u sheegay in ilaa iyo hadda la soo gaarsiiyay dowladda gaar tikniko ah iyo ilaa 10 qoryaha fud fudud oo ay la socdaan maleeshiyooyin ilaa 10 gaarya. maanta ayay ku egtahay mudadii uu ra'iisal wasaare Geedi qabtay in hubka lagu haysto magaalada dhexdeeda lagu soo wareejiyo dowladdiisa. marka ay mudada dhammaato waxa uu sheegay ra'iisal wasaaruhu in dowladdiisu ay u qorshaysan tahay sidii ay hubka kula wareegi lahayd. hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo ka ambabaxaya magaalada Muqdisho hogaamiye kooxeedyo reer Muqdisho ah oo ka biyo diidsan inay hubkooda wareejiyaan ayaa waxaa lagu wadaa maanta inay ka ambabaxaan magaalada Muqidho ee caasimadda dalka Soomaaliya. hogaamiye kooxeedyadaasi waxaa ka mid ah Maxamed Qanyare Afrax, Korneyl Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cabdi Waal. waxaa la sheegay inay maanta tegi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta kmg ah ee dowladda federaalka halkaasoo ay doonayaan inay la tashiyo kula soo sameeyaan madaxweynaha dowladda kmg ah C/laahi Yuusuf Axmed. hogaamiye kooxeedyadan waxay horey u sheegeen inay haboon tahay in hubka laga dhigo shacabka balse ay iyagu hubkooda haystaan. Cabdale Maxamed Cabdulle Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||