![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Ciidamada
Nabad sugidda ee garroonka
dayaaradaha ee magaalada
Muqdisho ayaa maanta waxa ay soo
qabteen dad doonaayey iney
usafraan dibadda oo qaarkood
ajaanib ah kuwaasoo laga
shakiyey.
Khamiis,Jan,4,2007 Dadkan oo illaa iyo 8 gaaraaya ayaa waxa ay u kala dhasheen wadamada 4 ruux oo Sudan ah 3 Indian ah iyo mid somalia ah. Kusimaha maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Siyaad Axmed Max’ed ayaa waxa uu hobyo radio u sheegey in ragaasi laga shakiyey islamarkaana ay soo qabteen ciidamada nabad sugidda garoonka ku sugan. Kusimaha Maareeyahay ma aannu sheegin waxa loo hesyto ragaasi la soo qabtey ee doonaayey iney dibadda u safraan. Raggan ayaa waxaa laga dejiyey mid ka mid ah dayaaradaha ganacsiga ee Muqdisho saldhigoodu yahay. Dhinaca kale waxaa maanta si rasmi ah u billowdey duullimaadyadii caadiga ahaa ee ganacsiga ee garoonk Muqdisho ka dib markii uu xirnaa muddo kooban. Dib ufurnaaanshaha garoonka Muqdisho ayaa waxaa uu ka danbeeyey ka dib markii uu dhawaan RW dowladda Somalia Cali Max’ed Geeddi uu sheegay in la qaadey xayiraaddii xagga duulimaadayada ee saarneyd Somalia. Cabdale Maxamed Cabdulle Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||