Dowladda KMG ah ee Somalia oo kaashaneysa ciidamada Ethiopia ayaa isku diyaarinaya sabtida soo socota in hubka dhigis ay ku sameyso dadka magaalada Muqdisho oo 3 dii maalmood ee loo qabtey uu maanta ku egyahay.

Khamiis,Jan,4,2007

Inkastoo aaneey muuqaneyn hub fara badan oo dowladda KMG ah ay wali ay la wareegtay ayaa hadana wali waxaa soconaya xusul duub dowladda ay ugu jirto in ay kula wareegto hubka yaalla caasimadda.

Wasiir K/xigeenka G/dhigga dowladda Somalia Salaad Cali jelle oo ka hadlay kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in 3dii maalmood oo hubka ay u qabteen in lagus oo wareejiyo oo maanta ay ku ekeyd ay wada hadalo la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banadir.

Odayaal dhaqameedyadii iyo waxgaradkii maanta kulanka la yeeshay wasiir K/xigeenka G/dhigga dowladda Somalia ayaa waxa ay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen in ciidamada dowladda ay la wareegaan dhamaan fariisimadii booliska ay ku lahaayeen Muqdisho, si loo hubiyo amaanka shacabkana uu u aaamino, in la tix galiyo kooxaha maleeshiyaadka ee hubka laga uruurinayo.

Kulankaan ayaa ku soo beegmay xilli maanta ay ku ekeyd maalintii RW Geedi uu u qabtey in lagu soo wareejiyo hubka yaalla magaalada Muqdisho.

Cabdale Maxamed Cabdulle

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com