![]() |
||||||||||||||
|
|
||||||||||||||
|
Xaflad lagu furayay Dugsiga Barshada Qura’anka Kariimka ah Ee Umul Caaisha Oo Lagu Qabtay Xaafda Olopic Degmada Wadajir Ee Magaalada Gaalkacyo.{Daawo Sawirada}
Jan,4,2008 www.Hobyoradio.com
Xaflad aad ubalaaran oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka tirsan culimo’udiinka magaalda Gaalkacyo ayna ka soo qayb galeen masu’uliyiin ka socotay dawlad goboleedka gal-mudug statae,haween,dhalin yaro iyo marti sharf kale oo lagu casumay munaasbadaas ayaa galabnimadii khamiista ee 3/1/2008,lagu qabtay xaafadda olopic degmada wadajir magaalda Gaalkacyo ee dawlad goboleedka Gal-mudug state.
Munaasabdaan oo ahayd furitaanka dugsiga quraanka kariimka ah ee umul caaisha oo ah dugsi ay wax ku baranayaan oo kaliya gabdhaha ayaa waxaa hir galinteeda lahaa culimo udiin uu ka mid yahay macalin cabdul jaamac oo ka mid ah culimada caanka ak ah magaalda Gaalkacyo ugu horayna waxa uu munaasabdaasi ka soo jeediayay wacxdi qiimo badan oo ku aadan sida loogu baahan yahay barshada diinta islaamka iyo xifdin Qur’aanka kariimka ah.
Munaasabda ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka soo qayb gashay waxaana ka mid ahaa faadumo xasan aadan oo aydu ah macalinka waxa ka dhigaya dugsigaasi qur’aanka lagu barayo gabdha. Waxa ayna sheegtay in dugsiga furitaankiis ay timid ka dib markii lagama maar maan ay noqotay wax barshada haweenka gaar ahaan gabdha aydoona xusatay in gabdha lagu barya markiskaan quraanka iyo walib axaadiista cilmiga ah ayadoon ainaatsi ku dartay in uu qof waliba oo dumar ah uu ufarn yahay dugsigu ayna wax ka baran karaan. Wasiir ku xigeenka ganacsiga ee dawlad goboleedka gal-mudug state marwo xabiibo koofurow oo iyna munaasabda ka hadashay ayaa hanbalyo ujeedisay soo qaban qaabiyaasha munaasabda iyo intii ka soo shaqysay furitaanka mrkiska lagu baranayo Qur’aanka kariimka ah marwo xabiibo koofurow ayaa ku boorisay ka soo qayb galayaashii munaasbda iyo gabdha reer galakco in ay ka faaidaysaan dugsigaan waxna ku bartaan. Ugu danbayntiina wasiir ku xigeenka ganacsiga gal-mudug xabiibo koofurow ayaa wariyaashii ka soo qayb galay xaflada ku amaantay dadaalka badan ee ay ugu jiraan uadeegida sahcbka reer galakcyo Masu’uliyiinti ka hadshay xafladda waxaa ka mid ahaa agaasimaha idaacada codka mudug Cilmi Kulan Geedi oo isna amaan taa lamid ah ujeediayay dadkii ka soo shaqeeyay dugsigaasi waxa uuna agaasimuhu sgeegay in inta abdan aysan daku tix galin siin jirin barshada diinta gaar ahaan in gabdhuhu bartaan dugsiyada qur’aanka oo lagu dadaali jiray oo kaliya wiilasha hada se ay soo badanayaan goobaha lagu barayo qur’aanka gabdha soomaaliyeed Munaasbda ayaa ugu danbayn ku soo dhmaatay jawi aad uwanaagsan. Cabdalla max’d cabdille Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia, Hobyo Radio News Media |
||||||||||||||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||||||||||||||