![]() |
|
![]() |
|
|
||
|
Muqdisho oo ku waa bariisatay
kocdoon cusub oo ka dhan ah
Ciidamada Itoobiya.
Sabti,Jan,6,2007 Magaalada Muqdisho ayaa saaka kacsan kadib markii ay shalay Salaad Cali Jeele iyo Cali Max'ed Geedi ku goodiyeen inay dadka Muqdisho xoog hubka looga qaadi doono taasoo keentay kacdoon mudaharaad iyo rabshada wata oo magaalada sameeyay. Banaanbaxyo rabshado wata oo taayaro lagu gubayo ayaa waxa ay ka soconayaan fagaaraha tarabuunka ayadoo wadooyinka waaweyn ee magaaladu ay gabi ahaanba xiranyihiin. Meelaha uu kacdoonku ka dhacay isla markaana wadooyinku xiranyihiin ayaa waxaa kamid ah Km4, Taleex, Trebuunka, Balaaksii. si kastaba ha ahaatee kacdoonka ayaa u muuqda midkii qabqablayaasha Muqdisho looga xoreeyay, ayagoo dadka Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay ilaaliyeen amniga magaalada, kadib markii ay meesha ka baxeen maamulkii Midowda Maxkamadaha Islaamiga Somaaliyeed. Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||