![]() |
||||
|
|
||||
|
Madaxa Qaybta TB Isbitalaka Weyn Magaalada Gaalkacyo Ee Gal-Mudug State oo Ka Warbixiyay Marxaladihii ay qaybtaasi Soo Martay.
Jan,6,2008 www.Hobyoradio.com
Waraysi Dheer oo aan la yeelanay D.r. Cabdi risaaq Max’d xaashi oo ah Supervisor-ka TB Gaalkacyo Hospital. {Daawo Sawirada}
Dhismaha Qaybta TB Isbitaalka Gaalkacyo C/risaaq Max’d xaashi oo Baaritaan Ku samaynaya Bukaan. C/risaaq Max’d xaashi oo ah Supervisor-ka ama Madaxa TB-da isbitlka weyn magaalada galakcyo ee dawlada goboleedka Gal-Mudug State ayaa waxaan la yeelanay waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya gaar ahaan waxaan ka waraysanay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay qaybta TB-da isitlka Gaalkacyo oo ay gacanta ku hayaan ururka wadaniga ah ee MDO iyo Hay’da caalamiga ah ee MSF Holand. C/risaaq Max’d xaashi Bukaan Fadhiya Qaybta TB Mudane C/risaaq maxa’d xaashi oo aan ku booqday xaafiiska Magaalada gaalakcyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaan Ugu harantii waydiiyay xiligii la’as aasay qaybta TB-da isbitalka galakcyo ee dawlad goboledka Gal-Mudug State oo qayb ka ah meelaha lagu daaweeyo bukaanada yimaada isbitalka ? Cabdi risaaq oo ugu horayn u mahad celiayay maamulka iyo shaqaalaha hobyoradio ayaa sheegay in la aasay qabta TB ee isbiiaalka Gaalkacyo ee dawlad Goboledka GalMudug State. Qaybta Nasashada Bukaanka Qaba TB Da. Sanadii 2004 waxaa gacanta ku hayay hayada wadaniga ah ee MDO oo taaageero xaga dawada kahelaysay hayada caalamiga ah ee WHO xiligaas ayuu xusay cabdi risaaq in ay qabtu aad uyarayd bukaankuna uu yaraa kadib bartamihii sanadii 2006 ayaa waxaa gacan kuhaynteeda la wareegay hay’adda caalamiga ah ee MSF-H oo ayadu gabi ahaanba lawareegtay Isbitaalka qaybihiisa kala duwan qabta TB ayaa kamida qaybaha ugu waa wayn isbitaalka koofunta Gaalkacyo Mar aan waydiiyay cabdi risaaq maxa’d xaashi halka ay uga yimaadaan daka ay baaritaanada caafimaad usameeyaan isla markaasina daawada la siiyo Ayuu sheegay cabdi risaaq in isbitalka qayba TB lagu daaweeyo bukaano badan oo kakala yimaada Gobolada soomaali oo dhan oo ay kamidyiin kilinka shanaad iyo Cabudwaaq ,iyo Gobolada koofureed. waxaan kaloo waydiinay cabdi risaaq ma jiraan meelo gaar ah oo loogu tala galay dadka bukaanka ah ee ka imaanaya gobolada fog fog? wuxuu sheegay in qabta ay leedahay qayb bukaan jeef ah oo loogu talagalay bukaanada ka imaanaya meelaha fogfog aana ku lahay wax ehela ah magaalada Galkacyo sidoo kale qaybtu waxay leedahay goob magaalada ah oo loogu talo galay in ay dawada kaqaataan bukaanka magaalada dagan madaama isbitaalku uu yare kafogyahay magaalada. Sida uu sheegay D.r. cabdi risaaq max’d xaashi qabta isbitaalka TB-da ayaa bukaanadu waxay dawada qaadanayaan mudo dhan 6 bilood ama 8 bilood ayadoo ay ku xirantahay hadba sida uu bukaanku uga taxadro qaadashada daawada. Qatba TB-da isbitaalka ayaa isdoo kale uu sheegay in laga bixiyo raashin lasiiyo bukaanka asbuuciiba mar sidoo kale ay jirto wacyi galin loo sameeyaa asbuuciiba mar waayo cudurka TB-da ayuu xusay in loo kala qaado si fudud sida kaliya ee looga hortagi karaana ay tahay in dadka wacyigalin loo samayo Mudane cabdi risaaq madaxa qaybta TB-da isbitala kalkacyo waxa uu sheegay in Qabta TB-da ay hada shaqadeedu aad u socotaa laguna qaabilo bukaano farabadan qaybta ayu sheegay in ay jiifaan bukaan gaaraya sodon iyo shan qof halka 90 qona ay daawada ka qaadato gudaha magaalada galakcyo oo isbitlku ku leeyayhay xarun caafimaad oo dadku daawada ku qaataan subax walba. mar aan waydiinay cabdi risaaq sida lagu aamini karo bukaanka in ay uqaataan daawada sidii loogu tala galay ayuu sheegay in ay isticmaalaan waxa loo yaqaan {dots strategy}oo micneheedu yahay in qafka bukaanka ah lagu hubsado inuu uqaato dawada si sax ah. C/risaaq Max’d xaashi oo ah Supervisor-ka ama Madaxa TB-da isbitlka magaalada galkacyo oo waraysi gaar ah siiyay hobyoradio ayaa ugu danbayntii baaq usoo jeediyay bulsho weynta ku nool magaalada galakcyo iyo nawaaxigeeda in qofkii looga shakiyo inuu qabo cudurka TB-da durba la keeno xarumaha caafimaad ee gobolka wuxuuna ka digay in aan qofka lagu hayn guriga ilaa heer uu gaaro xaalad Qatar ah. Daka ka ganacsada goobaha pharmacy ama daawada lagu iibiyo ayuu sidoo kale wuxuu cabdi risaaq uga digay in ay bukaanada ka daayaan dawada waqtiga gaaban ay siinayaan taasi oo uu sheegay in ay dhibaato ku tahay bukaanka maxaa yeelay waxaa is fal galaya ama is baranaya jermeskii iyo dawdii taasoo adkaanaysa sida loo daweeyo.
Waraysi Qaade Wariye Cabdalle M. Cabdille Gaalkcayo, Gal-Mudug State Of SOMalia, Mobail:002521 62270923 Hobyo Radio News Media |
||||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||||