Kulan dhemaray Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi iyo C/laahi Yuusuf

Axad,Jan,7,2007 Addis ababa,Ethiopia

Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ay ka wada hadleen xaalada hadda ee siyaasadeed iyo mida militari ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Yusuf oo booqasho shaqo oo laba cisho qaadanaysa ku jooga magaalada Addis Ababa ayaa u sheegay ra’iisal wasaare Zenawi in dowladiisa ay dadaal ugu jirto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka.

Dhanka kale Meles Zenawi ayaa isna sheegay in Xukuumadiisu ay Taageero hiil iyo hooba la garab taagantahay  Dowlada taagta daran ee Soomaaliya

C/laahi Yusuf  Waxa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in la dhiso dowlada dhexe oo xoogan oo loo dhan yahay si nabada loo sugo.Meles Zenawi ayaa isna sheegay in dowladiisa ay taageerayso dadaalka dowlada federaalka Soomaaliya ee ay kaga shaqeenayso arrimaha nabadgalyada Soomaaliya.

Muqdisho,Somaliya

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com