Mid ka mid ah xildhibaanada Dawlad Goboleedka Gal-Mudug State Oo Codsi Ujeediayay Jaaliayda Dibadda IYO Ganacsatada Udhalatay Gal-Mudug in ay Gacan ka Gaystaan Wax ka Qabashada Ceel faarx Geedi  Deeganka Mahad alla Ee Duleedka magaadla Gaalkacyo. {Daawo Sawirada}by wariye cabdalle

Jan,7,2008  www.Hobyoradio.com

xildhibaan C/Qaadir max'd faarax Zoope oo ka tirsan xildhibaanda dawlad goboleedka gal-mudug State ayaa sheegay in howlaha la xariira  wax ka qabadashada Ex Ceel Faarax Geeddi haatanna loo bixiyay deegaanka Mahad ALLE  ee dhinacyada Dhagax dhigga Masjidka  Bamsaaridda ceelka  iyo Xarun Caafimaad  ee laga hirgelinayaba  ay abaabul ahaan iska kaashadeen jaaliyadda dibadda ee arrintu khusayso iyo dadka deegaankaasi ka soo jeeda loo baahan yahay in  la dardar geliyo arrimaha lagama maarmaanka u ah mashaariicdaasi oo ah kuwo loogu talo galay in wax loogu qabto dadka deegankaasi dibna loogu soo celiyo taariikhdii wax ku oolka ahayd ee ceel Faarax Geeddi.

 

   Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Faarax zoppe ayaa sheegay in loo baahan yahay in ceelkaasi dayactirkiisa ay doorka ugu wayn qaataan jaaliyadda dibadda ee ka soo jeeda deegankaan gobolka Mudug gaar ahaan inta garanaysa taariikhdii Ceel Faarax Geeddi,isagoo xusay in dadkii iyo xoolihii ka cabbi jiray ceel Faarax Geeddi ay haatan biyo la,aan awgeed ay ugu qaxeen

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Faarax oo maanta Magaalada Gaalkacyo ugu waramayay Idaacadda Codka Mudug iyo Wabsaydyada Hobyoradio iyo Codka Mudug.Com ayaa ugu dambayntii baaq codsi ah u jeediyay Jaaliyadda Dowlad Goboleedka Gal Mudug ee Dibadda ku nool kana codsaday in hirgelinta Maashaariicdaasi dhinacyada Biyaha iyo Caafimaadka Mahad ALLE(Ex Ceel Faarax Geeddi) oo dhowaan dhagax dhiggii Masjidka  ay ka qayb galeen masuuliyiin ka kala tirsan Dowlad goboleedka Gal Mudug.Hay,adaha samafalka wadaniga ah .Ganacsato  iyo dadweyne fara badan ka codsaday in ay door muhiim ah ka qaataan hirgelinta wax qabadkaasi.

 

  Deegaanka Mahad ALLE oo dhinaca Bari ilaa 12km u jira Magaalada Gaalkacyo  ayaa Xafladdii lagu dhagac dhigayay waxaa sida ka muuqda  ka qayb galeen masuuliyin fara badan aydoona masjidkaasi uu muhiimad weyn uleeyay dadka deegaanka mahad alla oo ay degan yihiin qooysas badan waxana deegaanku uu ka mid yahay deegaanda hoos yimaada Gal-mudug state.

Wariyaha Sanadka 2007 ee Galmudug State Cabdalle M. Cabdille


 
cabdalla max'd cabdille
xaafiiska hobyoradio.com
Galakcyo,Gal-Mudug State
cabdalla45@hotmail.com

 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com