Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo Weerar abaabulan  xalay ku qaaday  ciidamada Tigreeda Itoobiya Agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Isniin,Jan,8,2007 Muqdisho

Maleeshiyooyinka New SYL Muqdisho ayaa xabad baasuke la beegsaday gaari Uraale ah oo ay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaana oo ka soo baxay dekadda weyn ee magalada Muqdisho.

In ka badan 4 ruux oo ay ku jirto gabar 13 jir ah ayaa ku naf waayay tiro kale oo nin Oday ah uu ku jirana dhaawac ayaa ka soo gaaray markii dagaalo uu ku dhex maray agagaarka xaruntii hore ee CID- da ciidamada Ethiopoia iyo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, iyadoo Tacshiiraddaasi ay socotey muddo ka badan 10 daqiiqo.

Hugunka madaafiicda iyo waliba rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayeen ayaa si weyn looga maqlayay qeybo ka mid ah koonfurta magaalada Muqdisho

Ma ahan markii ugu horeysay oo la weeraro kolonyo ay wataan ciidamada Ethiopia oo lagu weeraro wadooyinka caasimadda Somalia, iyadoo dhinaca kale iska horimaad sababay dhaawacyo uu ka dhacay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isaga hor yimaadeen ciidamada ethiopia oo watay gaari iyo kooxo kale oo iyaguna watay gaari, waxaana iska horimaadka uu yimid markii ay kala shakiyeen.

Muqdisho,Somaliya

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com