C/laahi Yuusuf  oo si lama filaan ah oga soo dagey garooonka Caalimaga ee magaalda Muqdisho ayagoo garoonka amaankiisana ay si Weyn u adkeeyeen ciidamada Itoobiya.

Isniin,Jan,8,2007 Muqdisho

C/laahi Yuusuf  oo si lama filaan ah oga soo dagey garoonka  Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay  qaar kamida dowladiisa  oo fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo  iyo Siyaasiyiinta Muqdisho qaarkood.

Madaxweynaha ayaa si weyn ugu mahad celiyey dadkii soo dhaweeyey waxa uuna sheegay in uu si weyn ugu farax san yahay in uu yimaado Caasimada Dalka Somalia ee Muqdisho.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isla maanta waxa uu bilaabay kulamo  uu la yeelanayey madaxda qeybaha kala duwan ee Dowladda bulshada, isaga oo ka qaadanayey warbixino la xiriira xaalada Magaalada iyo sida is badal loo sameyn karo.  

Lama oga in uu ku sii nagaan doono Muqdisho iyo in uu baydhba ku laaban doono hase yeeshee Caawa ayuu jiifanayaa Xarunta Villa Somalia oo burbursan, taas oo u noqon doonto Xaruntiisa gaarka ah.

Imaatinka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya Xili Xaalado amaan daro ay ku sii kordhayaan Magaalada Muqdisho,  meelaha qaarna ay ka dhacayaan dibadbaxyo lagu diidan yahay ciidamada itoobiyaanka ah, ayaa hadana madaxweynaha waxaa laga sugayaa in uu soo bandhigo qorshayaasha Cadcad ee Dowladdiisa.

Madaxweynaha Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa uu maanta sheegey iney san jirin wax wada hadallo ah oo uu la galaayo maxaakiimta islaamka somalia, kuwaas oo maamuli jirey magaalada caasimada ah ee somalia iyo inta badan koonfurta wadanka Somalia ka hor inta aan la wiiqin awoodahooda.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com