Xaflad Sagootin ah Oo Loo Sameeyay Mid ka Mid ah hawl wadeenada Hay'adda MSF Holan Oo ka Dhacday Gudaha Isbitaalka Gaalkacyo Ee Gal-Mudug State. {Daawo Sawirada}

Jan,9,2008  www.Hobyoradio.com

Mid kamid ah hawl wadeenada hay’ada MSF Holand ee isbitaalka koonfurta magaalada Gaalkacyo oo lagumagacaabo dikland kana shaqeeyn jiray qeebta logistico-kada tikada   ayaa maantay xaf lad sagootin ah loogudhigay gudaha isbitaalka.

 Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen hal wadeenada isbitaalka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta isbitaalka iyo shaqaalaha ka hawl gala isbitaalka oo ay ka muuqatay farxad weyn iyo in mid ka mid ah shaqaalha MSF oo ay xaflad sidaan oo kale ah ku soo dhaweeyeen markii uu imaanayay ay hadana xaflada ku sagootiyaan.

Mr dikland ayaa waxa uu ka mid yahay howl wadeenada shaqada culus u hayo shacabka soomaaliyeed ee isbitaalka weyn magaalada Gaalkacyo oo ah isbitaalak ugu weyn ee ay ka faaidaysaan dhinacyada daawada iyo tasiilaadka kale ee ay ubaahan yihiin bulshada

Munaasabada  sakgootinta ah ee ka dhacday isbitaalaka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha isbitaalka Dr. Max’d Cabdi oo  sheegay in masuulkaan uu hawl culus u qabtay isbiaalka gaar ahaana qayba TB.ee isbitaalka oo uu dhisme cusub iyo qalab shaybaar oo casri ah u hirgaliayay.

Sidoo kale waxaa munaasabdaas ka hadlay qaar ak tirsan shaqaalaha isbitaalka oo umahd celiayay Mr dikland shaqada wanaagsan ee uu bulshada gobolka mudug uqabtay mudadii sagaalka bilood ahaa ee uu ku saugnaa isbitaalka magaalda Gaalkacyo.

 

Mr dikland oo ay farxad weyni ka muuqatay ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay mudaii uu la shaqeeyay maamulka iyo  shahaqaalaha isbitaalka isla markaasina uu bulshada qaybeheeda kala duwan ka helay soo dhaweyn wanaagsan

Hadana uu sii wadayo hawsha u adeegista bulsahda ah Masuulkaan ka tirsan hawl wadeenada msf holan ayaa u duulay magaalda nayroobi dalka Kenya waxaana inta badan hawl wadeenada masf ay isbadal ku sameeyaan shaqaalheeda kadib in mudo ah markii uu shaqeeyo taasoo ah nadaam udegsan MSF

Isku soo wada duuboo isbitaalka weyn magaadla Gaalkacyo ee gal-mudug satate ayaa asgu ah kan kaliya ee hawsha caafimaad ka haya guud haan gobolka mudug iyo qaybo badan oo ka mid ah dalka soomaaliaya oo isbitaalka caafimaad ahaan laga soo aado maa daama ay daawadam jiifka, iyo dhaqaatiiru yihiin kuwo lacag la’aan ah.

 

Cabdalla Max'd Cabdille

Hobyorado Galakcyo

Gal-Mudug State Of SOMalia

Cbadalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com