Kulamo looga xaajonayo Nabad Galyada Gobolka Mudug oo maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo

Jan,9,2009 www.Hobyoradio.com

Kulamo looga xaajonayo Nabad Galyada Gobolka Mudug oo maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo

 

Kulamo ay ka qayb Galayaan Mas’uliyinta Maamulada Galmudug iyo puntladn Odyaayl dhaqmeedyo& Xubno ka tirsan Dawladda Somliya loogana hadlayo sidii loo dhamaan lahaa khilaafka  ka jira Galkacyo ayaa Maanta ka dhacacay Maaglada Galkacyo

 

Hotelka Embassy ee Magaalada Galkacyo ayaa maanta kulan waxaa iskugu yimidi ilaa 15 xubnood oo iskugu jira mamaulka gobolka iyo Odyaal dhaqmeedyo mamaulka Galmudug  Umatalaya dib uheshiisiinta iyo dhamaynta khilaafkii dhaliyay dagaaladii dhawaan Magaalada Galkacyo ka dhacay waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay Mas’uuliyin ka tirsan Dawladda Midnimada Qaran oo mudooyinkan ku Sugnaa Gobolka uuna Hogaaminayay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Dawladda Soomliya Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

 

Kulanka waxaa la iskula soo qaaday qaabkii looga qayb qaadan lahaa Dhamaynta khilaafka udhexeeyay Maamulada Gobolka iyo sidii guddigaani xoga usaari lahayeen mira dhalinta Go’aamo iyo heshiiska ka soo baxa wada hadalka Labada dhinac dhax maraya maal maha soo socda

 

Wasiirka Macadanta &Biyaha Dawaldda Somaliya Gen.Cabdai Qaybdiid oo la hadlay ka qayb galyaasha Kulanka Hotelka Embassy waxa uu kula dar daarmay xubnaha Gudiga kulmada ka qayb qaadanaya in ay ka shaqeeyaan nabad uraadinta Gobolka Mudug oo dhawaan dagaalo culus ku dhex mareen labada maamul ee Galmudug iyo puntladnd

 

Sidoo kale kulan kan la mid ah ayaa maanta isna ka dhacay W/Galkacyo ee Maamulka puntland waxaan ka qayb galay  Mas’uliyinta Gobolka iyo Odyaasha dhaqanka ee puntland waxaana lagu wadaa in maal maha soo socda kualan balaaaran oo ay ka qayb galayaan Gudiyada dib uheshiisnta Maamulada  iyo wafdiag Dawladda uu ka furmo Magaalada Galkacyo

Cabdalla M.C/lle

Cabdalla45@hotmail.com  

Idaacadda Hobyo Galmudug State of Somalia

 


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com