Ururada Haweenka Galmudug oo kawarbixiyey  Kormeer ay kusoomareen Degmooyinka Wasil, Bandiiradleey iyo Galinsoor ee Dowlad Goboleedka Galmudug

Jan,9,2009 www.Hobyoradio.com

Ururada Haweenka Galmudug oo kawarbixiyey  Kormeer ay kusoomareen Degmooyinka Wasil, Bandiiradleey iyo Galinsoor ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirjaraaid oo ay maanta kuqabteen masuuliyiinta Ururada Haweenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayey kusheegeen in xaalad adag ay kataagantahay Degmooyinka Bandiiradley Iyo Galinsoor oo kawadatirsan Dowlad Goboledka Galmudug Iyo Degmada Wisil  waxaana ay sheegeen degmooyinkaasi ay kusoobarakeceen dad kasoocararay dagaalo kadhacay Deegaano daris la ah

Degaanka wanakiir Dagaal kadhacay dhawaan ayaa dadkii kasoocararay waxaa ay haatan kusuganyihiin Bandiiradley iyo Galinsoor.

Sidookale Degmada Bacaadweyne aya dagaal kadhacay dhawaan ayaa dadkii kasoobarakacay ay haatan kusuganyihiin Degmada Wisil.

Nuuro Faarax Kaarshe oo kamid ah ururada haweenka Galmudug ayaa sheegtay in ay ha'adaha qaramada midoobay in ay gacan bini aadannimo lasoogaaran dadkaan islamarkaasina laga caawiyo dhibaatada haysata

Ugu danbayntii Siciido Maxamud Xirsi ururka sowdo ayaa sheegtay in ay dhawaan socdaal labaad ay kutagi doonto balse ay aad oga xuntahay in aysan awoodin gacan balaaran oo ay u fidiso dadkaasi barakacayaasha.

W/D:Rooble Maxamed Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray Agaasime
Siciid Jaani SiciidJaanii@hotmail.com

Idaacadda Hobyo Galmudug State of Somalia


 

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com