|
Xarunta Jaamacadda Muqdisho ee Bosaso oo maanta loo fariistay Imtixaankii aqbalaaada
Oct,1,2011
www.Hobyoradio.com



Xarunta Jaamacadda Muqdisho ee Bosaso oo maanta loo fariistay Imtixaankii aqbalaaada.




Dafcaddii 15aad ee ardayda Jaamacadda Muqdisho ahna tan 4aad ee Campuska Bosaso ayaa waxa ay u fariisteen maanta, imtixaankii Aqbalaadda (Admission test) sanad waxbarashadeedka 2011/2012.
Xarunta jaamacadda muqdisho ee Bosaso waxay hirgalisay dhisamaha Campuska Jaamacadda sanadkii 2009 waana xurun si aad ah loogu diyaariyay waxbarshada oo ku haboon tacliinta sare ee jaamacadeed iyo adeegyada waxbarasho
Ardayda cusub ee maanta u fariistay imtixaanka ayaa ku cabiray dareenkooda sida ay ugu faraxsanyihiin Imtaxaanka ay u fariisteen iyo hurumarka ay ka gaartay jaamacaddu dhinaca waxbarshada iyo kaalinta ay kaga jirto jaamacadaha aduunka,
Sidoo kale, waxay waalidiintooda iyo macalimiinta iskooladii ay ka soo bexeen waxay uga mahadceliyeen diyaarintooda iyo barbaarintooda.
Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Professor. Cali Sheeq Axmed oo Saxaafada kula hadlay Xafiiskiisa oo ku dhexyaala Campuska Jaamacada ee Bosaso ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dufcadda 15aad ee u fariisaneysay Imtaxaamka jaamacadda Muqdisho
Waxaanu Prof Cali Sheeq Axmed kula dardaarmay Ardayada in ay sii laba laabaan dadaalkooga waxbarsho si uu nin walbaa u gaaro heerka uu rajeynayo.
Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ugu hambalyeeyay dhamaan bahda jaamacadda, iyo umadda soomaaliyeed guulaha ay gaareen Ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay wax ku bartaan munaasabadda dabaaldagga kaalinta guusha jaamacaadda. Sida lo og yahay waxa ay gashay 30 jaamacadood ee u fiican jaamacadaha afrika..
Campuska Bosaso ee Jaamacdda Muqdisho waxaa la bilaabay sandkii 2008, waxaa ka furan qaybah: shari’a & law, social science, Math & physics, Economics, Business Administration, Accounting iyo Public Administration, Banking and finance iyo Compute science & information technology.
Sido kale jaamacadda Muqdisho waxay hirgalisay Barnaamijka daraasaadka sare (Maajisteer iyo PhD) ee qaybaha Sharciga iyo qaanuunka, Waxbarsda, Maamulka iyo maaraynta, iyo IT oo ay iska kaashadaan jaamacado caalami ah sida jaamacadda Umdurmaan Islamic University- Soodaan iyo Open University Malaysia iyo Asian university Malaysia.
Jaamacadda Muqdisho oo la furay1997 ayaa waxa ay leedahay aqoonsi caalami ah waxayna xubin ka tahay urur- Jaamacadeedyada caalamiga ah ee kala ah:
Midowga Jaamacadaha caalamka Islaaamka (FUMI).
Midawga Jaamacaddaha wadamada carabta. ( AARU)
Midawga jaamacadaha carabeed eee Khaaska ah
Raabidada jaamacadaha islaamiga ah
Midawga Jaamacadaha Afrika (AAU)
Midawga Jaamacadaha Caalamka ah (AIU).
Golaha jaamacadha dawliga ah (IUC)
Axmad Suune
Idaacada Hobyo Boosaaso
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|