|
Sanadguuradii 5aad ee Galmudug State iyo Soodhaweeyntii Caalin ee London
Oct,10,2011
www.Hobyoradio.com


Sanadguuradii 5aad ee Galmudug State iyo Soodhaweeyntii Caalin ee London.







Xaflad si aaad u sareeysa loo soo agaasimay islamarkaana lagu maamuusaayay sanad guuradii 5aad ee Galmudug State laguna soo dhaweeynaayay imaanshaha Madaxweeynaha GMS Mudane Maxamed axmed caalin ayaa laguqabtay London.
Xafladaan oo ay sooo agaasimeen jaaliyada Galmudug ee London ayaa waxaa ka soo qeeybgalay madaxsare oo uu u horeeyo madaxweeyne caalin waar katirsan golaha wasiirada Galmudug, Wakiilada maamul goboleedyada soomaliya, aqoonyahano, oadayaal iyo haweenka, dadweeynihii halkaas yimid oo buuxdhaafshay madashiishirka ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday farxad iyo soodhaweeynta madaxweeyne caalin.
Martisharaf badan oo halkaas kahadashay ayaa u hambalyeeyay bulsho weeynta galmudug sanad guurada ka soo wareegatay maalinta la aasaasay Galmudug.
Madaxweeyna Caalin ayaa qudbad taariikhi ah ka sheegay xaflada asagoo ugu horeeyntii u tacsiyeeyay eheladii iyo qoyskii ay ka geeritootay Hobolada soomaliyees Faadumu Qaasim Hiloowle oo uu madaxweeynuhu sheegay in ay tariikhda fanka sooomaliya ka gashay baaldahab ah iyo doo soomalida ku baraarujinjirtay wadaninimo.
Sidoo kale madaxweeynaha ayaa u mahad celiyay qaban qaabadyayaashii xaflada islamarkaana sheegay in aygalmudug shansano jirsatay islamarkaana ay san joogin meeshii ay sadex sano ka hor joogtay.
Madaxweeyne caalin ayaa ugu danbeeyntii sheeghay in dunda ay manta u heelantahay in soomaliya lagacan qabto loona baahanyahay in soomaalida fursadaas ka faaideeystaan.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|