![]() |
||
|
|
||
|
Dadweynaha
Magaaladda
Gaalkacyo
oo
Diyaar
Garow
Balaaran
Ugu jira
soo
dhaweynta
Ciidul
fidriga
ee fooda
nagu soo
haysa.
{Daawo
sawirada
Suuqyada
Gaalkacyo}
Oct,10,2007 www.Hobyoradio.com
Magaalda Gaalkacyo ee xarunta dawlad goboleedka Gal-Mudug State ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow balaaran oo loogu jiro soo dhaweynta ciidul fidriga oo maalmo yari ka harsantahay Suuqyada waa weyn ee Gaalkcayo ayaa waxaa xiligaan ka jira ganacsi xoogan iyo ciriiri oo ay dadku buux dhaafiyeen goobaha lagu iibiyo agabka ciida gaar ahaan dharka kabaha iyo waliba Qalabka ay caruurtu ku ciyaaraan oo isugu jira dharka caruurta bastooladaha, iyo waxyaabo kale oo ay ilmaha yar yari xiisaynayaan xiliga ciida.
markii aad dhex marto qaybaha kala duwan ee suuqyada magaalda Gaalkacyo ee xarunta dawlad goboleedka Gal-Mudug State ayaa waxaa arkaysaa ama aad dareemaysaa in goobaha ganacsiga ay buux dhaafiyeen waalidiin gacmaha ku dhagan caroortooda si ay ugu iibiyaan dharka ciida.
Goobaha lagu tolo dharka ayaa waxaa ka socda toloonka dharka noocyadiisa kala duwan haba ugu badnaadeene kuwa raga oo isugu jira saraawiisha iyo shaatiyada. waxaa sidoo kale diyaar garow xoogan ku jira goobaha lagu sameeyo waxyaabaha mac macaanka ah gaar ahaan xalwada iyo buskudka oo si weyn loo isticmaalo xliyada ciiddaha.
Shirkadaha xawiladaha ee Gaalkacyo ayaa qayb weyn uga jira diyaar garowga ciidul fidriga ee maal maha yari naga xigaan marka aad booqato shirkadaha xawaaladaha kala duwan ee magaalda Gaalkacyo ayaa indhaagu qabanayaan dadweyne buux dhaafiyay oo lacagaha ay qaraabadoodu uga soo diraan dibadaha ka qaadanaya. Si kastaba ha ahaatee ciida maal maha yari ka harsan yihiin ee ciidul fidriga ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili magaalda Gaalkacyo ee xarunta dawlad goboleedka Gal-Mudug State iyo degmooyinka ku teedsan ay dhawaan ka da'een roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolada Galmudug. Cabdalla Max'd cabdaille Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia, Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||