Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Xaflad loogu dabaaldagayay Sanad guuradii 1aad ee Jaamacadda Galkayo
University(GU) oo Maantay ka dhacday Hotelka Embassy ee Magaalada
Galkacyo.

Oct,11,2011 www.Hobyoradio.com

Xaflad loogu dabaaldagayay Sanad guuradii 1aad ee Jaamacadda Galkayo
University(GU) oo Maantay ka dhacday Hotelka Embassy ee Magaalada
Galkacyo.



Xaflad loogu dabaaldagayay Sanad guuradii 1aad ee Jaamacadda Galkayo
University(GU) oo Maantay ka dhacday Hotelka Embassy ee Magaalada
Galkacyo.

Xaflad loogu dabaaldagayay sanad guuradii 1aad ee Jaamacadda Galkayo
University (GU) ayaa maantay waxa ay ka dhacday Hotelka Embassy ee
Magaalada Galkacyo.

Munaasabaasi waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka midyihiin
Kusimaha ahne Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,Gudoomiyaha
Baarlamaanka,Golaha Wasiiradda,Ururada Bulshada,Maamulka iyo
Macalimiinta jaamacadda Galkayo University(GU).

Prof. Cali Nuur Yuusuf oo ka hadlay xafladda ayaa waxa uu ka warbxiyay
waxqabadkii Ardeyda Jaamacadda Galkayo University (GU) waxa uuna
sheeegay in ay ka qeybqaateen Ololahii loogu gurmanayay dadkii ay
saameeyeen abaarihii sanadkii hore ku dhiftay Deegaanada Galmudug.

Gudoomiyaha Jaamacadda Galkayo University (GU) Pro. C/qaadir Maxamed
Shirwac oo qadka taleefanka uga qeyb qaatay xafladda isagoo jooga
Dalka Ingiriiska ayaa waxa uu mahad u jeediyay dhammaan marti
sharaftii ka soo qeybgashay xafladda loogu dabaldagayay sanadguurada
Jaamacadda taasoo la furay 10-10-2010 saacadu markii ay ahayd 10:10:10
AM.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay xilligii la furay Jaamacadda in
aArdeyda dhigata ay gaarayeen 60 Ardey maanatayna in ay kor u
dhaafayaan illaa iyo 200 Ardey.

Dhinaca kale Ku simaha Madaxweynaha ahne Madaxweynaha Galmudug State C/samad Nuur Guuleed oo xafladda ka hadlay ayaa hambalyo u jeediyay Maamulka,Macalimiinta iyo Ardeyda Jaamacadda waxa uuna sheegay in ay si weyn uga qeybqaateen Horumarka Deegaanka iyo tan Maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiintii kale ee xafladda ka soo qeyb gashay islmarkaana ka
hadashay waxaa ka mid ahaa:

C/Samad Nuur Guuleed oo ah Kusimaha ahne Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Xasan Maxamuud Heyl oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Sheikh Maxamed Macalin Abshir oo ka mid ah Culimada Deegaanka.

Pro. C/laahi Xasan Cilmi (Jeemis).
Dr. Maxamed Axmed Wehliye oo ah Gudoomiyaha Ku xigeenka jaamacadda
Galkayo University (GU).
C/ramaan Sheikh Nuur oo ka socday Jaaliyadda Dibadda.
Cabdul Jaamac Dharas.
Iyo C/kariin Sheikh Axmed Xasan (Koofuroow).

Ugu danbeyntii xaflada loogu dabaaldagayay Sanadguuradii 1aad ee
Jaamacadda Galkayo University waxaa Heeso iyo Ruwaayado aad qiiro
badan ku soo bandhigay Abwaan Xasan Siyaad Culusow(Sharmooge) iyo Qaar
ka mid ah Ardeyda Jaamacadda Galkayo University (GU) hal ku dhigga
Ruwaayadda ayaa waxa uu ahaa (Aqoon Kii Ku Dadaala Dib Ayuu
Mahadshaa!).

Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or abuuakram1@gmail.com
Tell= 00252690/753825
Galkacio-Galmudug-Somalia

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|