|
Robab mahiigaan ah oo Xalay saqdii dhexe ka da'ay Gobolka Mudug.
Oct,11,2011
www.Hobyoradio.com


Robab mahiigaan ah oo Xalay saqdii dhexe ka da'ay Gobolka Mudug.
Deegaano hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Ayaa shalay ilaa iyo xalay waxaa ka da'ayay Roobaab Xoogan, Ayadoona ay jiraan Qasaaro Robabkaasi ay Gaysteen, hase yeeshee si rasmi ah looma hayo.
Deegaanada, Xaar xaar, Laaso cadale, laankadabo, Docol iyo Biyo maco oo dhamaantood hoostaga Magaalada Gaalkacyo, ayaa shalay ilaa Xalay waxaa hareeyay Roobab, ay ku diirsadeen, dadka iyo Xooliha halkaasi ku dhaqan.
7:30, fiidnimo, xiliga Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa bilawday Roob aad u Xoogan, kaasi oo hakad galiyay Isku socodaka, Dadweynaha iyo Gawaarida, Ayadoona sidoo kale uu istaagay Ganacsiga, waxaana dhamaan albaabada la iskugu dhuftay goobaha ganacsiga.
Roobkaan ayaa waxa uu ahaa mid Xoogan, Habeenimadii Xalay ayaa waxa la arkayay Gawaari, dhex taala Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo biyo hareeyeen, Sidoo kale Roobkan Xalay ka da'ay Magaalada, ayaa waxa uu Qasaare u Gaystey Xerooyinka Dadka Barakacayaasha ah ay ku noolyihiin, kuwaasi oo ka sameysan Cooshado, Islamarkaaana aan iska difaaci karin Dhibicda Roobka oo aad u xoogan.
Dhan Walba hajirtee Roobabkaan ayaa yimid Xili Abaar baahsan, oo saameysay dadka iyo Xoolaha ay ka taagneyd Deegaano hoostaga Gobolka Mudug, hase yeeshee Waxaa Roobabkaan ku diirsaday Dadka iyo Duunyada halkaasi ku dhaqnaa.
Siciid Jaani
Hobyo Media Network Gaalkacyo and Ceel Guula
siciidjaa@hotmail.com, burhaan10@hotmail.co.uk
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|