![]() |
||
|
|
||
|
Shaqaaqo
ka
dhacday
Qaybo ka
Tirsan
Suuqa
weyn ee
Magaaladda
Gaalkacyo
ee
Xarunta
dawlad
goboleedka
Gal-Mudug
State.
Oct,11,2007 www.Hobyoradio.com
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa qaybo kamid ah xalay waxaa ka dhacey is rasaas seyn xoogan oo dhex martay kooxo hubaysan oo kuwada tirsan beelaha ku abtirsada Gal-Mudug State, arintaan ayaa timid kadib markii kooxo maleeshiyo ah oo ku hubaysan qoryaha fud fudud ay weerar ku soo qaadeen bakhaar kuyaal xaafada wadjir ee magaalada Galakcyo kaasi oo kayd u ahaa ganacsatada qaadka ee Gaalakcyo kadibna ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamo ilaalo a ahaa bakhaarka.
Israasaynta oo socotay mudo nus saac ah ayaa markii danbe maleeshiyadii weerarka soo qaaday waxaa usuura gashay inay gudaha ugalaan bakhaarkii sida wararku sheegayaan waxaa ay halkaasi ka qaateen lacago farabadan oo aan la shaacinin tirakoobkeeda oo ay lahaayeen ganacsatada qaadka. wax yar kadib waxaa soo garay goobtii falku ka dhacay ciidamo gurmad u ah bakhaarka ayagoona tacshiirad xoogan huwiyay goobo ganacsi oo badan sida shirkada xawaalda Dahabshiil qaybteeda wadajir. iyo sidoo kale shirkada korontada Diini oo ayana aan sidaasi uga fogayn Dahbshiil waxaa lagu arkayay rasaas xoogan oo ku taal qaybo ka mid ah Dahabshiil iyo shirkada korontada dabka ee Diini, hawl wadeenada shirkadahaas waxay sheeegeen in ay san wax qasaare ah ka soo gaarin falkii xalay. Ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ay gaysteen rasaastii la isweydaarsaday saqdii dhexe ee xalay marka laga reebo hanti lacageed oo ka maqan bakhaarka weerka lagu soo qaaday. Arimahaan ayaa ah kuwo salka ku haya gaari iyo lacag todaabkii hore lagu dhacay deegaanka Galin-soor oo ka tirasan Gal-mudug State, taasoo aan wali xal laga gaarin odayaasha iyo wax gardaka beelaha ay arintaani udhaxayso ayaa ku jir dadaal ay ku doonayaan in ay ku xaliyaan shaqaaadaan. saakay aya si wen looga dareemayaa goobihii xalay wax ka dheceen ayadoo inta badan goobihii ganacsiga irdaha loo laabay Cabsi laga qabo dhibaatooyin kale oo halkaasi ka dhaca. Cabdalla Max'd cabdaille Xaafiiska hobyoradio Galkacyo,Gal-Mudug State of SOMalia, Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||