Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Shacab oo howlihiisa Dhisme iyo Waxbarasho si xowli ah uga socdaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug State. Fadlan ka qayb qaado dhismaha iskuulka Ashacab.

 

Oct,11,2007 www.Hobyoradio.com

Sha’ab Primary and Secondary School. Fadlan ka qayb qaado dhismaha iskuulka Ashacab.

Kala Xiriir Maamulka Iskuulka Galkacyo-62362171/ 62384411/ 62360803

Galcaio-Somalia

Warbixin Ku saabsan Iskuulka Hose/Dhexe/Sare ee Ashacab

Dhagaxdhigii Iskuulka Shacab.               Halkan Riix

Xafladdii Furitaan Iskuulka Shacab        Halkan Riix

Dhismihii oo Bilow ah ee Shacab.          Halkan Riix

Dabaqii 1aad oo la taagay ee Shacab.   Halkan Riix

 

Waxaa laga codsanayaa Walaalaha kasoo jeeda  Deegaanka Galmudug State inay ka qayb qaataan dhismaha Iskuulka Hose/Dhexe/Sare ee AShacab  meel kasta oo ay joogaan:

Codsi Kaalmeyn ah Iskuulka Hose/Dhexe/ Sare ee Ashacab oo ku socda walaalaha khayrka Jecel uu ku nool dunida daafaheedadda kala duwan.

 

Dugsigu wuxuu bilaabey taariikhda Sabti, 30-June-2007 waxbarashadda aasaasiga ah ee sanad dugsiyeedka 2007-2008.  Dugsiga oo howl qabadkiisu socdo saddex usbuuc ka yar 19 beri, ayaa waxbarashadiisa iyo waxqabadkiisu waxay ku socdaan si xowli ah. Cadadka ardayda dhigata iminka iskuulka waa 322 oo iskugu jirta waxbarashada aas aasiga ah iyo midda dadka waaweyn.  Tirada dadka waaweyn ayaa ah 130 oo kala ah 55 wiilal, iyo 68 gabdho.  Tirada ardayda waxbarashada aasaasiga ah qaadata ayaa ah, 116 wiilal, iyo 76 gabdho

Dhismihii oo Shubkii  lasaaray  Dabaqii Labaad

Walaalaha waxaa si naxariis leh looga codsanayaa in ay qeyb lixaad leh ka qaataan Dhismaha Dugsigii sare ee Gaalkacyo laga wadey, kasoo meeshii uga darneyd maraya. Waxaan si gaar ah ugu mahad celineynaa walaalihii Maalkooda u horey kana qeyb qaatey hirgalinta dhismahaas, kuwa kalena waxaan ka codsaneynaa iney isku dhiiri galiyaan sidii dhismahaas Schoolka Asha’ab loo dhameystiri lahaa; Mashruuca oo ah mid weyn oo ay ujeedada tabarucaadka uu yahay jeebkaga ka qaad jeebka walaalkaa ku shub’

Dhismihii Iskuulka Oo Qabyo ah  Fadlan Ka Qayb Qaado Dhismaha.

Ardayda Iskuulka Shacab 

Walaalayaal, waad ogtihiin in dawlad iyo hay’ad dadkaas wax u qabaneysa in aysan jirin oo kaliyah ay sugayaan waxii walaalhooda uga yimaada kaliyah, marka yaan la daawane mashruuca halaga qeybgalo inta ka dhimanah aan ku dadaalno sidii loo dhameystiri lahaa.

Aas aaska iyo Dabaqii 1 aad oo dhamaaday

Ugu dambeys waxaan codsaneynaa; walaalihii horey uga qeybgalyney Allaha ajar iyo xasanaat ka siiyo kuwa aan wali jeebka gacanta galinah in ay kheyrka la wadagaan walaalahooda reer Mudug oo nolosha laga tiiriyo dadkaas,.

Ardayda oo  Fasalka Fadhida Casharna qaadanaysa

Walaalaha qofkii raba warbixin dheeraad ah waxaan ku dheerl galinayaa inuu daawado sawirada schoolka iyo ilaa iyo hada Horumarka laga gaarey hawshaas, Schoolka dhismihii waa sicdaa lakiin waxbarashado meel kale oo ijaar ah ayey ku sii socotaa number fara badan oo ardo ah ayaa ilaa iyo hada dhigata.

Iskuulka Hose/Dhexe/Sare ee Shacab oo ah Iskuulka Ugu Weyn ee Galmudug State.

“Sadaqada waxaa ugu kheyr badan midi la la baxo bisha ramadaan gudihiisa- iyo midi lagu sadaqeysto Eheladaada iyo dadkaaga marka aan ku dadaalno sidii aan taburacaas uga qebgali laheyn.

Wa bilaahi Al-tawfiiq  -     Walaalhu min waraa Al-qasdi  -

Walaahi Waliyo Al-tawiiq

Ururka Samafalka Himilo  – Canada     

W/d. Abdullahi S Ali

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com