Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Wafti uu hogaaminayo M/weyanaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Oct,12,2011 www.Hobyoradio.com

Wafti uu hogaaminayo M/weyanaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Col.Max’ed Ahmed Caali iyo wafti uu hogaaminayo ayaa soo gaaray maagalada Minneapolis ee ay Somaalidu ugu badantahay. M/weyanha iyo waftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaladaasi Minneapolis ayadoo ay ku weheliyaan safarkiisa wasiirka kaluumaysiga,  khayraadka badda iyo Dekadaha Dr. Xasan Maxamed Sacid Samatar (Gacaliye),, Wasiirada madaxtooyada iyo Federaalka Fadumo Weheliye, Wasiirkii hore ee iskaashiga iyo xiriirka caalamka Cumar Maxamuud Rooble Cumar Suri, G/lle sare Cabdirahman Xasan Ciid iyo Gudoomiyaha jaaliyadda Galmudug ee London,Uk Max’ed Ciise Jamac

M/weyanaha iyo Waftigiisa ayaa kulamo la qaadandoona jaaliyada Galmudug iyo guud ahaan jaaliyada Somaaliyeed ee kudhaqan magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, Waftiga madaxweynaha ayaa loo galbiyay Hotel loogu talo galay ayadoo jaaliyaduna ay halkaasi kusii sugayeen.

M/weyne Caalin oo waraysi gaaban siiyay idaacadaha gudaha ayaa  sheegay inay booqashadiisu la xiriirto kulamo uu la yeelandoono jaaliyada Galmudug  iyo waliba madax kamid ah dowladda Maraykanka.

Ma ahan markii ugu horaysay oo uu yimaado dalka Maraykanka Col. Max’ed Ahmed Caalin ayadoo uu yimid 2005 markii ugu horaysay, Waxa uuna kamid ahaa wafti kasocday qaarada Yurub oo socdaal kumarayay W/Amerika,Gudigaasoo u gogol xaarayay sidii maamul loogu samayn lahaa deegaanada Galmudug State.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|