|
Wafdi Ka Socda Dalka S/afrika oo Maanta Muqdisho yimid iyo Madaxweyne Shariif Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay
Oct,13,2011
www.Hobyoradio.com


Wafdi Ka Socda Dalka S/afrika oo Maanta Muqdisho yimid iyo Madaxweyne Shariif Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay
Waxaa Maanta Garoonka aadan Cade airport Ka soo Dagay Wafdi Ka Socday Dowlada Dalka South afrika oo uuna Hogaaminayay ergayga Madaxweynaha dalkaasi Ninka Lagu Magacaabo Jarles Ukakura ayadoona uu kulan La Qaatay Madaxweyne Shariif,
Wafdigaan Markii ay Muqdisho Soo Gaareen Waxa ay la Kulmeen Madaxeynaha Dowlada KMG soomaaliya Shariif sheekh axmed ayadoona ay Kulan Kuwada Qaateen Aqalka Madaxeyne Shariif uu Ku Leeyahay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya,
Jarles Ukakura Markii uu Kulanka la soo Qaatay Madaxweynaha soomaaliya ayuu War Baahinta usheegay in ay Kulan Wada Qaateen asaga iyo wafdi la Socday Madaxweynaha Soomaaliya ayna Kawada Hadleen arimaha labada Dalka iyo sii xoojinta Xiririka udhaxeeyo Laba wadan asagoona si gaar ah usheegay in uu Madaxweyne shariif usheegay hadal uu usoo dhiibay Madaxweynaha Konfurka afrika Je kabsuma Shariifn Kuwa reejiyay,
Dowlada dalka Koonfur afrika Waxa Dalkeeda Kusugan Kumanaan Qof oo Soomaali ah oo Halkaasi Ka xamaasha kuna Leh ganacsi yar yar hase yeeshe Waxaa Maalinkasta lagula Kacaa Dilal Dhac Boob iyo Wax Yaabo Ka sii Badan,
Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho,
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|