Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Himilo Intenational oo socdaal ku tagtay Deegaanaa Docol,Ceelguula,Xaaro Iyo Ceel-dibir.

Oct,13,2011 www.Hobyoradio.com

Himilo Intenational oo socdaal ku tagtay Deegaanaa Docol,Ceelguula,Xaaro Iyo Ceel-dibir.



Himilo Intenational Civic Development Agency (HICDA) ayaa Safar waxa ay ku tagtay Degaanada Docol,Ceel-Guula,Xaaro Iyo Ceel-dibir ayagoo halkaasi kulamo la qaatay waxgararka Deegaanadaasi.

Safarkooda waxa ay ka bilaabeen Deegaanka Docol waxa ayna tageen Iskuulka iyo Ispitaalka waxayna halkaasi kula kulmeen Maamulka Deegaankan waxayna ka waa hadleen sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada waxbarshada iyo Caafimaadka u baahan ee ku nool Deegaankaasi Docol.

Intaasi ka dib Himilo International waxa ay tageen Degmada Ceel-Guula waxayna booqdeen Dugsiga Sare oo qabyo ah,waxayna kulan ay la qaateen Maamulka Ceel-Guula la isla gartay sidii loo hameystiri lahaa iskuulkaasi qabyadaha ah.


Himilo International safarkooda ayaga oo sii wata ayay waxa ay gaareen Deegaanka Xaaro waxayna halkaasi kula kulmeen waxgaradka deegaankaasi, bulshada reer Xaaro himilo wax ay ka codsdeen in ay u dhisaan 2 qol oo ubadkooda wax ku bartaan maadaama hadda iskuulka Xaaro uu yahay mid kiro ah.

Intaas ka dib Himlo waxa ay gaareen Degmada Ceel-ibir oo ay halka safarkooda oogu danbeeyay waxayna Ceel-dibir kula kulmaan maamulka deegaanka wadahadal heer ka dib waxaa Himilo laga codsaday in ay bixiyaan kharashaadka Macalimiinta dhigta iskuulka Ceel-dibir.

Ugu danbeyntii Himlo Intenational Civic Development Agency (HICDA) ayaa deegaanadii ay booqdeen waxgaradkii ku sugnaa waxa ay u balanqaadeen in codsigooda si deg-deg ah u gaarsiindoonaan Jaaliyadaha Dibadda ee Galmudug iyo Hay'adaha Samafalka.

Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com Or Abuuakram1@gmail.com
0025290-753825
Galkacio-Galmudug State-Somali

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|