|
Dad Weynihii Reer Muqdisho Oo Dib Guryahoodii ugu Soo Laabanaya Kadib Nabada Muqdisho ka Dhalatay
Oct,13,2011
www.Hobyoradio.com


Dad Weynihii Reer Muqdisho Oo Dib Guryahoodii ugu Soo Laabanaya Kadib Nabada Muqdisho ka Dhalatay
Muqdisho(HWN) Ayadoo Mudo badan uu Dagaal xoogani uu Ka socday gudaha Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Kale ee Dalka ayaa Hada Waxaa Soo Gaba Gaboobay Qeybo Kamid ah Dagaaladii Muqdisho ka Jiray Walow ay Wali Dagaalo Xoogan ka socdaan Gobolada kale Ee Dalka walina ay al shabaab gacanta Ku Hayaan Goboladaasi.
Sadex Cisho Ka Hor ayaa dowlada KMG ah Soomaaliya Waxaa 90 %100 ay La Wareegtay gudaha Magaalada Muqdisho waxana dad weynihii Ku dhaqnaa Magaalada Muqdisho iyo Meelaha loo Barakacay ay Bilaabeen in ay dib ugu soo Noqdan Guryahoodii oo Mudo Hore ugu Dambeysay.
Waxaa Laamiyada Waa weyn Ee Magaalada Muqdisho ku arkaysaa Gawaari waa weyn iyo kuwa Yar yarba ayagoo Wada Dad safar ah oo ka soo Qaxay Meelahii Loo Barakacay iyo kuwa kusugan Magaalada Muqdisho Balse ka soo Qaxay Xaafadihii ay horay ugu soo Gareen ayaa haatan dib ubilaabay in ay guryahoodii Dib ugu Laabteen.
Dad Weyne aad Ufarxsan oo Saaran Gawaarida safarka aha aya kuu sheegay in Mudo Kadib ay soo arkayaan guryahoodii ka dib Dagaaladii al shabaab Loogaga awood Roonaaday waxaana Maalinkasta soo qul qulaya dad weyne Haatan ka soo Qaxaya Deegaanada loo Barakacay oo al shabaab gacanti wali ku sii Hayaan.
Nabada Muqdisho ka dhalatay ayaa la sheegay in ay aad ugu Farxeen Dad weyne aad Ubadan oo Nolol Maalmeedku ay ku Jirtay in Magaalada Muqdisho oo nabad ah ayagoona Tilmaamay in ay ku sii Duceynayaan in aysan al shabaab mardambe Dib ugu soo Noqon Magaalada Muqdisho Sida ay sheegeena uu Habaarkoodu ku dhacay
Xafiiska Idaacada Hobyo Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|