![]() |
||
|
|
||
|
Mashruuc balaaran oo ay si wadajir ah u wadaan Ururka Horumarinta iyo Dib udhiska Somaaliyeed SDRO iyo hay’adda UNICEF { Daawo Sawirada}
Oct,14,2007 www.Hobyoradio.com
Mashruuc balaaran oo ay si wadajir ah u wadaan Ururka Horumarinta iyo Dib udhiska Somaaliyeed SDRO iyo hay’adda UNICEF laguna dhisayo boqol musqulood,laguna dayactirayo labaatan Ceel gacmeed ayaa si habsami leh uga socda gudaha iyo hareeraha magaalada Gaalkacyo ee dawld goboleedka Gal-Mudug State.
Mashruucaan ayaa waxaa loogu talo galay in ay ka faa’daystaan dadka danyarta ee aan awoodin in ay dhistaan musqulo si loo dhowro nadaafada guud iyo fayadhowrka dadka oo lahagaajiyo.
Isku duwaha mashaariicda ee Ururka SDRO Mudane. Cumar Ibrahim Sabriyo(Cumar Islaweyn) oo kormeer todobo casho qaatay ku yimid gobolka si uu ugu kuurgalo howlaha uu ururka ka wado gobolka ayaa hobyoradio u sheegay in ay haatan dhiseen in ka badan 50 musqulood iyo 11 ceel gacmeed oo ay iska kaa shadeen hay’adda UNICEF iyo SDRO.
Dhanka kale Mudane: Cumar Islaweyn waxa uu xusay in ay hay’adda CARE iyo ururka SDRO ay iska kaa shadeen dhismaha 8 Ceel oo ay ka mid yihiin Ceel Aqwaan oo qiyaastii 9km dhinaca koonfur ka xiga magaalada Gaalkacyo iyo kuwo kale oo gudaha magaalada kuyaala.
Mudane:Cumar waxa uu sidoo kale sheegay in la tababaray shan qofood oo macallimiin ah (Teacher of Training T.O.T) si ay bulshada ugu gudbiyaan fariimaha guud ee caafimaadka iyo fayo dhowrka,Dhismayaasha musqulahaan iyo dayactirka ceel gacmeedyadaan ayaa ah kuwo kor u qaadaya nadaafada guud iyo fayadhowrka deegaanka. Mahad Gaara Wariye Cabdalle Max'ed Cabdile oo xuquuqda Sawirada iyo Warbixinta soo diyaariyay By: C/aziz Xogolof Cabdalla Max’ed Cabdille Xafiiska Wararka Hobyoradio Gaalkacyo, Gal-Mudug State of Somalia, Cabdalla45@hotmail.com .
Kullu Caam Wa Antum Bil Kheyr
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||