|
Madaxda Hay,ada Himilo Kormeer waxbarasho ku tagay Degmada bandiiradleey.+sawiro
Oct,15,2011
www.Hobyoradio.com


Madaxda Hay,ada Himilo Kormeer waxbarasho ku tagay Degmada bandiiradleey.











Himilo Intenational Civic Development Agency (HICDA) waxa ay ka wadaa kormeer ay ku qiimaynayso baahiyada waxbarasho ee deegaanada Gal-mudug iyadoo masuuliyiin ka tirsan hay’adaasi ay kormeer ku tageen degmada bandiradley Gaar ahaan Schoolka Hose dhexe ee Dr kulan.
Gudoomiyaha degmada bandiiradley C/risaaq dhalaweyn oo madasha xaflada ka hadalay hadaladiisa waxaa ka mid ahaa. Odayaasha, dhalinyarada,maamulka ardeyda, waalidiinta iyo madaxda Hay,ada Himilo waxaan ku soo dhaweyneynaa degmada bandiiradley gaar ahaan schoolkaan maantay aad nagu soo booqateen, Schoolkaan badniiradleey wuxuu soo maray marxalado kala duwan maantana alle mahadiis waad aragtaan hormarka xaga waxbarashada ka socoto waxaan u mahad celineynaa dhamaan jaaliyadihii ka qeyb qaatay hormarkiisa .aana u baaha nahay in naloo balaarsho .
Intaa kadib waxaa goobta madaxasha xaflada lagu qabtay warbixin dheer kasoojeediyey Maamulaha Schoolka Dr Kulan bandiiradley Saciid Xasan cadde ,waxaan u mahad celinayaa madaxda ka socota Himilo Intenational Civic Development Agency (HICDA) ee booqashada noogu timid ,intaa kadib schoolka waxaa la aas,aasay 2000 oo la dhisay labo qol taasoo ay sabab u aheyd gabar u dhalatay Galmudug lana yiraahdo khadiijo Ducaale ,2003 ayaa hadana waxaa sedex qol ku daray iyo dayactirba dhalinyarada jaaliyada reer Norway ilaa iminkana baxsha mushaaradka macaliminta oo had iyo jeer u heelan sare u qaadida waxbarashada degmada bandiiradleey.
Schoolka Hoose Dhexe Dr kulan bandiiradleey waxaa dhigatay ardey gaareysa 97 56 waa gabdho 41 waa wiilal sida aad arkeysaa horteyda iminka fadhisa waa ardeydii hoose dhexe laakin waxaa jira ardey lixaad gaartay,waxaa jirta ardey fasalka sideedaad ka baxday ee aan ku wareejinay dugsiyada sare ee galkacyo ee ay dhigtaan waxbarashadooda.
Baahida schoolka ka jirta ee markaan taagan waxa ay tahay xaga macalimiinta oo nagu yar kuwa hada joogana waa 2 macalin oo aan u baaha nahay afar macalin ,baahida kale ee jirta waxa ay tahay marka aan ardey soo saarno waxaan u gudbinaa dugsiyada sare ee galkacyo taaso aan u baah nahay degmada in ay yeelato dugsi sare .
Gudomiyaha jaliyada Galmudug ee Canada Ahna madaxa Himilo Dr. Max'ed Cali oo goobtaa ka hadlay ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa waan ku faraxsanahay sida aad inoo soo dhaweyseen runtii waana I hami gelineysaa howsha ka socota schoolka iyo degmaduba waxaan waalidiinta iyo ardeyduba ku boorineynaa in waxbarashada aan laga daalin ,dadka walaalihiina ee had iyo jeer idin soo taageerana eydan niyad jibin waxa kaliya ee ay ku farxayaan dadkaas waxa ay tahay in ay arkaan idinkoo waxbarta dugsiyo sare iyo jaamacadu soo dhameysta waadna ku mahadsan tihiin sida aad inoo soo dhaweyseen..
Dhan Walba hajirtee Kormeerka Hay'ada Himilo ee Dagmada Bandiradley ayaa imaa Xili Maalmihii udu danbeyay kormeero ay ku tagaysay deegaano ka tirsan Galmudug.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|