Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Raisul Wasaaraha soomaaliya oo Afduubka Kenya ka dhaca Ku Eedeeda in ay ka dambeyaan Xarakadaa Alshabab

Oct,16,2011 www.Hobyoradio.com

Raisul Wasaaraha soomaaliya oo Afduubka Kenya ka dhaca Ku Eedeeda in ay ka dambeyaan Xarakadaa l shabab

C/Wali Maxamed Cali Gaas Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Ka hadlay afduubka Baryihii ugu Dambeeyay sida Isdaba Jooga ah uga dhacayay Dowlada Dariska La ah Ee Soomaaliya Ee kenya asagoona sheegay in afduubka loo Geysto dadka Halkaasi Ku dhaqan ay Ka Dambeeyaan xarakada Kooxda al shabaab.

C/Wali Gaas ayaa Cambaareyn Xoogan Ujeediyay Kooxda al shabaab afduubkii ay Ka geysteen Xerada Qaxootiga Ee Dhadhaab ayagoona afduubtay Laba Ruux oo Haween ah Kana Tirsan Hey’ada MSF Spain Kuwaasi ayagoo Dadki Qaxootiga ah la Tacaalaya afduub Waxushnimo ah u Geystay.

Asagoo La hadlayay C/wali saxaafada ka jirta dalka Kenya ayuu sheegay in Dowlada uu raisul wasaaraha ka Yahay ay aad uga Xun yihiin afduubka ka dhacaya dalka Kenya ayna cambaareynayaan weerarada Kooxda al shabaab ay Ku Heyso dadka ajaanibta ah Ee ka shaqeynaya Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya.

Ayadoo Mudooyinkii ugu Dambeeyay afduub xoogani uu ka dhacayay dalka kenya Gaar ahaan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadagaan ayadoona Bishii hore iyo Tan ay Marayaan dhowr Qof Kuwaasi oo intooda Badan ah Haween Qaar kood ushaqeynayay Hey’ado gar Gaar iyo dad kale Oo Dal Xiisayaal ah.

Xafiiska Radio Hobyo ee Muqdisho

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|