|
Golaha Amaanka oo Daaha Ka Qaady in Xiligaani ay Soomaaliya Heysato fursadii ugu Wanaagsaneyd Mudo 20 Sano kadib
Oct,16,2011
www.Hobyoradio.com


Golaha Amaanka oo Daaha Ka Qaady in Xiligaani ay Soomaaliya Heysato fursadii ugu Wanaagsaneyd Mudo 20 Sano kadib
War Saxaafdeed Ka soo baxay xafiiska Ergayga gaarka ah Ee Qaraaamada Midoobay uqaabilan arimha soomaaliya Dr augustina Mahiga Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay Xiligaani gacanta Ku Heyso Fursadii ugu Wanaag Saneyd mudo 21 Sano oo Dhanka Nabad Galyada ah.
Mahiga ayaa sheegay in dhibatadii iyo Qalalaasihii Ka Jiray dalka soomaaliya uguna Weyneyd xaga Nabad Galyo xumida ay Haatan soo Hagaagtay ayna Markaani dadka soomaalida ah ay Heystaan fursad Dahabi ah ay ka Gaareen dhanka nabad Galyo oo Markaani Noqotay Mid l isku haleyn karo.
Ergayga Soomaaliya ayaa Dadka soomaalida ah kula dar Daarmay in ay Xiligani gacmaha is Qabsadaan oo ay Ka sii Shaqeeyaan Sidii nabad Galyada Somaaliya unoqon laheyd mId ka sii Wanaag Sanaata ayadoona uu Ugu Baaqay in aysan Soomaalida Dib ugu Noqon Rabshadihii iyo dagaaladii Mudada 21 Ka sano soo socday.
Asagoo War saxafdeedkiisa Kula hadlayay Dadka Soomaalida ah Ee Ku Nool Qurbaha ayuu sheegay in ayagana dhinca Ka Qaataan La shaqeynta nabadda dalka maadama uu wadanku ka baxay halistii nabada ka hor taagnayd sida uu hadalka u dhigay Dalkana Laga saaray xarakada Kooxda al shabaab.
Xafiiska Radio Hobyo ee Muqdisho.
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|