Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Dowlada Dalka Turkiga oo Shaacisay Tirakoobka Dadka Tahriibayaasha ah Ee Dalkeeda Soo galay Sanadkaan aynu ku jirno.

Oct,16,2011 www.Hobyoradio.com

Dowlada Dalka Turkiga oo Shaacisay Tirakoobka Dadka Tahriibayaasha ah Ee Dalkeeda Soo galay Sanadkaan aynu ku jirno

War Qoraal ah Oo Ka soo baxay Dowlada Dalka Turkiga ayaa lagu sheegay Tirada dadka tahriibayaasha h ee Dalkeeda Soo galay Kuwaasi oo Doonaya in ay uga sii Gudbaan Dalalka Qaarada Yurub.

Wargeyska Xorriyah Ee Ka soo Baxa Dalka Turkiga ayaa Saakay lagu soo Qoray War bixin ka hadlaysa tirada Dadka soomaalida ah Ee tahriibayaasha ee sanadkaan Galay Dalka Turkiga oo si Sharci daro ah ku galay ayadoon lagu sheegay Qiyaasta Dadkaasi in ay gaarayaan Kun iyo Sadex boqol oo Qof oo Dhamaan Tood Gacanta lagu Wada Dhigay ayagoona ka soo Cararaya Dhibaatada iyo Balaayada ka Taagan Dalka soomaaliya.

Kun iyo sadexda Boqol Ee tahriibayaasha ah ayaa intooda badneyd Dooneya in ay galaan wadanka gariiga ayagoona kadib ka sii Doonaya in ay Galaan wadamaad Yurubta Sida Siwesarland Swedan Uk iyo Wadamada dadka soomaalida ah ay Jecel yihiin.

Soomaalida Ku Nool dalka Soomaaliya iyo Wadamada kale ayaa Hada Bilaanay in ay Utahriibaan dalka Turkiga oo ah Meesha kaliyah Ee Wadamada Qaarada Yurub Loogu Gudbo Mana ahan dadka Soomaalida ah wax Tahriibka ku Galaya dalkaasi waxaana kamd ah dadka tahriibka Ku Gala dalkaasi Wadaamada Falastin, afganistan,suuriya iyo wadamo kale oo aad Ubadan.

Xukuumada Dalka Turkiga Ma aysan sheegen in Tirada Dadka tahriibayaasha ah ay gacanat Ku Heyso in ay Dib U Celineyso iyo in kale waxaase kaliyah ay sheegtay in sadexda Kun oo Boqol ay Heyso Kana soo Qabatay gobolada iyo magaalooyinka Dalkaasi xili ay Doonayeen in ay ka sii Galaan dalka Gariiga.

Xafiiska Radio Hobyo ee Muqdisho.

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|