|
Dawlada KMG Soomaaliya, Galmudug iyo Ahlu suna Waljamaaca oo kulan sadex geesood ah ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo.
Oct,16,2011
www.Hobyoradio.com


Dawlada KMG Soomaaliya, Galmudug iyo Ahlu suna Waljamaaca oo kulan sadex geesood ah ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo.
Kulankaan ayaa waxaa goob joog ahaa, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/Xakiin Cige Guuleed, Afhayeenka Dawlada KMG ahna la taliyaha Ra'isul Wasaaraha dhanka Warbaahinta Ing C/raxmaan Cumar Yariisaw, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug Axmed Maxamud Xasan Baasto, Xubo ka tirsan Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka Galmudug, Gudoomiyaha Guud ee Ahlu suna Waljamaaca Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guure, Wafdi ka socda Xafiiska siyaasada Qaramada midoobay Arimaha Soomaaliya UNbos, Ayadoona kulankaan uu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.
Kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid albaabadu ay u xiran yihiin, markii uu soo gaba gaboobay ayaa waxaa Saxaafada la hadlay, Afhayeenka Dawlada KMG Soomaaliya, ahna la taliyaha Ra'isul Wasaaraha dhanka warbaahinta Ing C/raxmaan Cumar yariisaw, waxa uuna sheegay in kulamo ay la soo qaateen, Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu suna Waljamaaca, kuwaasi oo looga hadlayay wax ka qabashada Amaanka Guud ee Dalka Soomaaliya, waxa uuna carabka ku dhuftay in dhamaan ay isku afgarteen wax yaabihii ay kala hadleen.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug Axmed Maxamud Xasan Baasto, Asagoona sheegay in ay soo dhaweynayaan Wafdiga ka socda Dawlada KMG Soomaaliya, islamarkaana muhiim ay tahay wax ka qabashada Amaanka Soomaaliya iyo wixii amaanka ka hor imaanaya.
ugu danbeytii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guure Gudoomiyaha Guud ee ahlu suna Waljamaaca Waxa uuna dhankiisa shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan kulankaan ay la qaateen Wafdiga ka socda Dawlada KMG Soomaaliya, islamarkaana diyaar ay u yihiin in dhankooda wax ka qabtaan Amaanka Dalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Ahlu suna ayaa shaaca ka qaadan in aysan jirin wax qilaaf ah oo u dhaxeeya Maamulka Ahlu suna waljamaaca ee Gobolada dalka soomaaliya, Asagoona hadalkiisa ku siidaray in kulamo ay la soo qaateen, Ahlu suna waljamaaca, Puntland, Galmudug iyo koonfurta Dalka Soomaaliya, islamarkaana dhamaantood ay midaysan yihiin.
Dhan walba hajirtee waa markii ugu horaysay ee Dawlada KMG, Galmudug iyo Ahlu suna Waljamaaca ay iskugu yimaadaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.
Siciid Jaani
Siciidjaa@hotmail.com
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|