Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Galmudug iyo Dawlada KMG Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo.

Oct,16,2011 www.Hobyoradio.com

Galmudug iyo Dawlada KMG Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo.
 
Wafdi uu hurkacayo Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dawlada KMG Soomaaliya, C/Xakiin Cige Guuleed, ayaa Maanta kulan looga hadlayo Amaanka Guud ee Dalka soomaaliya Magaalada Gaalkacyo kula qaatay Masuuliyiinta ugu sareysa Galmudug.
 
Kulankaan ayaa waxaa Shir Gudoominayay Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamud Hayl, Ayadoona ay goob joog ahaayeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidamada Galmudug, waxaana dhinaca kale kulanka fadhiyay Wafdi ka socda Xafiiska Siyaasada Qaramada midoobay ee Soomaaliya, UNbos.
 
Kadib markii u
u kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamud Hayl, Asagoona Sheegay, in kulan ay la qaateen Wafdi ka socda Dawlada KMG Soomaaliya, waxa uuna shaaca ka qaaday in la soo hordhigay Qodobo qoraal ah oo ku saabsan Wax ka qabashada Amaanka Guud ee Dalka Soomaaliya, Xasan Maxamud ayaa hadalkiisa sii raaciyay in muso labo maalin ah aan qabsanay si aan uga soo baaraan dagno qodobada nala soo hor dhiga, islamarkaana wixii aan ku dari karno aan ku darno, Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in kulankaasi la isku afgartay.
 
Sidoo kale waxaa Saxaafada la hadlay Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dawlada KMG Soomaaliya, C/Xakiin Cige Guuleed, Asagoona shaaca ka qaaday in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Galmudug, Islamarkaana kulankii ay maanta yeesheen labada dhinac ay isku afgarteen, waxa uuna Wasiir ku xigeenku sheegay in loo baahan yahay sidii loo wada qaban lahaa Amaanka Guud ee Dalka Soomaaliya.
 
Dhanka kale kulankaan labada dhinac ay yeesheen ayaa waxa uu salka ku hayay Wax ka qabashada Amaanka Wadanka Soomaaliya, Ayadoona sidoo kale, Soo afjarida, Kooxaha Burcad badeeda iyo Xarakada Al shabaab, ay ka mid ahaayeen Wax yaabihii kulankaasi looga hadlay.
 
Dhan walba hajirtee Waa markii ugu horeysay ee kulan noocaan ah ay ku yeeshaan Galmudug iyo Dawlada KMG Soomaaliya Magaalada Gaalkacyo.
 
Siciid Jaani
Siciidjaa@hotmail.com

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|