Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Taliska Ciidamada Xooga Dalka soomaaliya oo Ka dhawaajiyay in ay Howl galin doonaan xerooyinka Milatariga Soomaaliya ay Lahaayeen.

Oct,17,2011 www.Hobyoradio.com

Taliska Ciidamada Xooga Dalka soomaaliya oo Ka dhawaajiyay in ay Howl galin doonaan xerooyinka Milatariga Soomaaliya ay Lahaayeen.

Ayadoo Maal Mihii La soo dhaafay uu socdaal kumarayay Taliyaha ciidamada Xooga dalka soomaaliya Generaal C/Qaadir Sheekh Cali diini Gobolada Dalka soomaaliya Gaar ahaan Galmudug Puntland iyo Nugaal asagoona soo indha indheeyay xarumihii Milatariga ay Laheyd Dowladii soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay wado qorshe ah in ay Dib uhowl galinayan Xerooyinka Ciidamada milatariga ay lahaayeen Mudo 21 sano Ka Hor asagoona ugu Baaqay in ay sii Bad Baadiyeen Xerooyinka ay Haatan Kusugan yihiin Maamulada iyo dadka Kale oo gacanta Ku sii Haya.

Asagoo sii hadlayay Taliyaha ayuu sheegay in uu la Dagaalami Doonaan Cid Walba oo isku daydaa in ay Qal qal galiso amaanka Dalka soomaaliya asagoona Tilmaamay la Dagalanka dadka amaanka darida Wado ay La Kaashan Doono Maamulada ka Jira dalka soomaaliya.

Generaal C/Qaadir Sheekh Cali ayaa waxa uu Soo hadal Qaaday Dhibaatada Kooxdaa l shabaab ay Dalka soomaaliya Ku Hayaan iyo Sida ay Umaran habeebiyeen Dhalin Yarada Soomaaliyeed asagoona sheegay in ay Wadaan Qorshe kale oo naftoodu Loogugu Bad Baadinayo dhalinta soomaaliyeed.

Mudo 21 sano Ka Hor ayaa ugu Dambeysay Xero ay Ciidamo Milatari ay Leeyihiin oo shaqeysa waxaana ay Tani Noqoneysaa Markii ugu Horeysay ee arintaani Laga dhawaajiyo walow Xerooyinka Qaar ay Wali Kusugan yihiin Ciidamada xarakada al shabaab.

Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|