Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Dr. Cumar Suuri oo kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn loogu sameeyay gobolka Minnesota,USA (+ Sawiro & Warbixin )

Oct,17,2011 www.Hobyoradio.com

Dr. Cumar Maxamuud Rooble  (Cumar Suuri) oo kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn loogu sameeyay  gobolka Minnesota.

Ugu Horayntii ayaa waxaa hadalka wada furay islamarkaana shirka wada xiriirinayay Cabdikariim Ahmed-dahir iyo C/aziz Xogolof oo soo dhaweeyay Dr. Cumar iyo dadwynihii halkaasi isugu yimid, Sidii sharciga islaamku ahaa waxaa  aayadaha quraan ah iyo wacyi jeediyay Sheekh Xasan Aw Adan oo dadkii halkaasi isugu yimid kula dardaarmay inay ilaahay ka baqaan una gargaaraan walaalhooda tabaalaysan, Sheekh Xasan ayaa wacdigii kadib kusoo dhaweeyay gobolka Minnesota Dr. Cumar.

Dr. Cumar Maxamuud Rooble  (Cumar Suuri) oo kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn loogu sameeyay  gobolka Minnesota ayaa oga mahadcelyay dadweynihii halkaasi isugu yimid soo dhaweyta ay u sameeyeen, Waxa uuna ku guubaabiyay inay midoobaan islamarkaana ay  taageeraan Galmudug, Hadafkeenu waa ummad midaysan oo isku meel u jeeda, Waxaana nalakaga baahanyahay inaan Galmudug ka shaqayno sidii lagu hormarin lahaa.

Jaaliyadda Galmudug ayaa gudoonsiisay Dr. Cumar shahaado sharaf iyo waliba shahaado soo dhaweyn ah gobolka Minnesota iyo Ubax loogu talagalay munaasabada soo dhaweynta. ayadoo ay shahaadada bixiyeen soo dhaweynta uu bixiyay  Ahmed Geedi kahiye iyo halka ay Maryan Warsame Cowl bixisay shahaadada Nabada iyo Horumarka Galmudug.

Shaqooyinkii uu kasoo qabtay deegaanka Galmudug!

1.       Sanadku markuu ahaa 2000 waxa uu yimi gobolka Mudug si aan uu u hirgeliyo xarumihii waxbarasho ee uugu horaysay . Waxa uu markii ugu horaysay ka  hirgaliyay iskuul magaalada Celguula. 

2.       2003 kacdoon bulshada Gaalkacyo oo looga hortagayay amni darada magaaladaasi waxa uu wax ka aas aasay xabsi iyo ciidan amniga suga – kadibna waxa uu ku laabatay London, Uk asagoo ola ole  u galay sidii loo caawini lahaa ciidamada amniga.

3.       2005 waxa uu safarkiisii labaad kutagay gobolka Mudug ayadoo uu kaga qaybqaatay dadaalkii maamul usamaynta gobolka asagaoo si gaara ula shaqaynayay jaaliyadda London oo ayadu bud dhig u ahayd daladii beesha ee dibadaha, hadafkuna waxa uu ahaa oo la goaansaday in gobolka la nooleeyo islamarkaana maamul loo dhiso, Isla sanadkaas 2005 ayuu  mar labaad  si mutadacnimo ah u tagay degaanka Mudug., Gaar ahaan magaalada Hobyo oo uu kasoo sameeyay survey ku soo sameeyay sidii looga hirgelin lahaa Airport iyo maalgashi kale. Ayadoo waqtigaas dhiilo colaadeed ka jirto. Mudadii uu joogay waxa uu ka shaqaynayay wacyi gelin iyo seminaaro dhinaca nabadda iyo tacliinta.

4.       2006 Nasiib wanaag bulshada Diasporada yaa  baraarugtay,  waxaa soo baxay in degaankii maamul laga dhiso. Kulamadii horudhaca ahaa iyo abaabulkii lagu hirgalinayay maamul u samaynta deeganada hada loo yaqaan Galmudug  ayuu mugleh ka qaatay waxa uuna kamid ahaa jaaliyadda Birmingham,Uk.

5.       2007  waxa  si rasmi ah u degay Galmudug. Waxaana uu bilaabay inuu isku dayo inuu hirgeliyo 2 mashruuc oo kala ah dhismo Airport  hobyo oo dhamaan qalabkii la geeyay Wasil oo Hobyo u jirta 60km iyo mashruuc degaamayn ah oo lagu deegaamaynayo magaladda Hobyo. Mashruucii degaamaynta oo dad badan soo jiitay wajigiisii koowaad waa uu ku guulaystay, hase yeeshee Airportkii weli ma hirgelin. 

6.       Dhamaadkii 2007 Abaartii xooga badnayd ee ku dhufatay dad iyo duunyo wixii kudhaqnaa deegaanka ayuu ku wacyigaliyay jaaliyadda Galmudug ee dibadaha inay u gargaaraan walaalahooda abaartu ka laysay xoolihii, Waxa  uuna si mutadawacnimo ah kula shaqeeyay maamulka iyo bulsha weyntii ku waxyeelowday abaartii ku habsatay deegaanada dhagaxa, Isla waqtigaas waxa uu si gaar ah la taliye ugu ahaa Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Mudane AbdiSamad oo waqtigaas ku sime u ahaa M/weyne Kimiko, Waxa uuna wax ka waday shaqo maalmeedka dawlada Galmudug asagoon wax xila ka hayn.

7.       2008 Gabdhaha Birmingham,Uk  iyo Norway ayaa kusoo hagaajiyay taageero dhaqaaale oo ay u fudiyeen isbitaalka Hobyo oo ay ka jirtay baahi caafimaad waxayna soo direen reer Norway $1450 + Birmingham $2000 = $3450 waxa uuna magaalada Hobyo ka hirgeliyay ka shaqaysiinta xaruntii hore ee caafimaadka oo aan dayac tirnayn islamarkaana aan qalabaysnayn, wuu dayac tiray wuxuuna geeyay daawo iyo qalabka haweenka dhalaya loogu tala galay iyo sidoo kale daawada dhiiga joojisa oo aan laga helijirin deegaanka Hobyo , 6 bilood ayuu nurse ama kalkaalisooyin u qoray biil. Waxaana lacagtaas u maamulay isbitaalka sadex nin oo gudi ah ayna soo doorteen dadka magalada Hobyo, Bilowgii 2008, Ajar Alle ha ka siiyo gabdhaha Birmingham oo uu  codsi u jeediyay ayay ka  aqbaleen. Waxayna gabdhahaasi xarunta agoonta u soo gadeen  Solar energy system oo laga dhaliyo koronto.

8.       2008  Waxay bulshada Galmudug u dooratay inuu noqdo gudoomiyihii gudiga  abaaraha ee Galmudug oo 11 xubnood ahaa , warbixinteedii  iyo sidii loogu gurmaday ka fiiri linkska.  

9.       2008 Waxa uu  Galkacyo, Galmudug soo dejiyay hay’adii uugu horaysay ee International NGO  - IRC ( Thanks Omar Islaweyn oo isku kayo xiray ) Kadib markii habacsanaan ku timi maamulkii waqtigaasi oo golihii wasiiradu ay noqdeen dad dalka ka maqan  ayaa waxaa loo doortay madaxa amniga Galmudug State.  Waxa uuna  ku guulaystay asagoo kaashanaya bulshada Galmudug dhamaantood inuu xareeyo ciidamada kala daadsanaa wadada  uuna ku xareeyay Ceel Faarax Geedi. Halkaas  oo muddo afar bilood ah aan ku jireen ilaa ay waayeen taageeradii caalamka kadibna ay noqotay in lagu yeesho kharajkii kuxay ciidanaka.. 

11.   Waxa uu ka qayb qaatay seminaaro la siiyay macalimiinta si ay xirfadooda kor loogu qaado iyo khibradayda macalinimo.

12.   January 2009 M/weyne Maxamed Ali Warsame(Kimiko)waxa uu u magacaabay wasiirka amniga ee Galmudug  

13.   January 2010 Markii la xaliyay qilaafkii Galmudug oo madaxweyne Caalin la doortay waxaa la ii magacaabay wasiirka Xiriirka Caalamiga. Isla markiiba waxa uu  safar u aaday Nairobi si caalamka indhaha ka xirtay Galmudug uu u gudbiyo warbixinta iyo qorshaha dowladda Galmudug. Waxa uu gaarsiiyay fartiin  dhamaan hay’adaha UN-ka iyo inta badan safaaradaha Nairobi ee dalka Kenya Waxa uu  dhamaantood u gudbiyay documents aan ugu  sharaxayno Galmudug ( Galmudug  Profile ) 2010 ilaa 2011 inta badan waxa uu  ku sugnaa Nairobi ayadoo inta badan iska bixinayay Hotelka iyo Tickedka. Wajigii koowaad waxa uu ku guulaystay in Galmudug la aqoonsado . Wajigii  labaad waxa uu ku guulaytay in lagala shaqeeyo maamulka Galmudug dhinaca gargaarka bani aadanimada. Wajigii sadexaadna waxa uu ku guulaystay in Galmudug siyaasada lagala shaqeeyo oo lala simo maamulada Puntland iyo SomaliLand. Hay’adihii  uu la xiriiray inta badan xafiisyo ayay ka furteen Gaalkacyo ama ururo Local ah ayay partner la noqdeen.

 14.   June 2010 waxa uu tagay dalka Masar  iyo Dalka Sweden iyo dalka Norway oo dhamaantood uu Galmudug warbixinteeda  u gudbiyay si diiran ayaana loogu soo dhaweeyay loogana dhagaystay warbixinta Galmudug.

15.   Dhinaca ganacsiga Gaalkacyo waxa uu ka hawlgeliyay shirkada teleefonada ee Orbit  Phone iyo Internet ee jaaliyadu isticmaasho. Teleefonka Orbit waxa uu suurto u sahlay dad badan oo qurbo jooga inay reerahooda kula xiriiraan  taleefan lacag la’aan ah marka ay wacayaana ay ka dhigantahay ayagoo wacaya Maraykan.  Adeegaas waxaa isla markiiba nooga dayday dhinaca Puntland Gaalkacyo oo aan mashruucii ku balaarinay.

16.   Waxa uu ka sameeyay Gaalkacyo maalgelin iyo dhiiri gelin maalgashi dhul baaxad weyn iyo guryo degaan oo uu dhisay.

Dr. Cumar Maxamuud Rooble "HADALKIISA'

Walaalayaal Afar sano yaan deganaa Galmudug intaas waqtigayga markii la qaybiyo 90% waxaan siiyay danta guud – meel ama ka maqnoow ama ka muuqo yay Soomalidu tiraa.

Waxaan ka soo faa’iday niyad wanaag waxii aan soo qabtay miraheedii markii aan arkay.

Waxaan xiriir fiican la soo yeeshay dhamaan culimada degaanka, Nabadoonada , Ganacsatada , haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshada ee kale. 

Waxaa ii farxad ah inaanan maantay wax dhaqaale ah oo la igu eedaynayo inaan dhunsaday aysan jirin. Maxaa yeelay hadafkii aan ku shaqaynayay ma ahayn dhaqaalo, balse anaa kubixinayay dhaqaale. Alle mahaddii waan isku filnaa mudadaas.  

Waxaan idin Xasuusinayaa Inaanan marna codsan in la ii dhiibo xil ka mid ah xilalkii aan soo qabtay. Waxuu Madaxweyne Caalin marqaati ka yahay inaan u soo jeediyay in dhamaan golaha wasiirada uu kala diro oo aanu midna ka soo celin aan anigu ku jiro qoraalkaasna wax ka qoray:

Sababtu:

1.      Dawlada waxaa loo dhisay inay amnigii soo celiso

2.      Inay maamul wanaag muujiso oo bulshada si hufan uugu adeegto.

3.      In waxa aan caalamka u sheegnay aan tusno.

4.      In Galmudug degaanka ay magaceeda wadato la gaarsiiyo

5.      IWM

Maadaama ay ku fashilantay aysanna awoodin xubnaha dawlada ka midka ah, oo ay muuqato inay sii dumayso waxaan u soo jeediyay inuu kala diro golaha wasiirada , laakiin 5 xubnood oo aqoon iyo karti leh magacaabo.

Madaxweynaha waa aqbalay aniga iyo Caydiid Coloow yuu na yiri soo qora.

Waxaan xambaarsanaa culays mas’uuliyad oo war war badan igu hayay, markii la iga wareejiyay , waxaan u qoray E-mailka hoose buslhada Galmudug aan ku soo dhawaynayo dhamaan xubnaha la magacaabay :

dateThu, Jul 14, 2011 at 4:48 PM

subjectRe:

ASC

Salaan ka bacdi waxaan soo dhawaynayaa islamarkaasna taageerayaa  magacaabista xubnaha goloha cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug State Col. Mohamed Ahmed Alin. Arintaas oo ay keentay baahi loo qabay in isbedel lagu sameeyo maamulka /.

Sidoo kale waxaan u rajaynayaa mas'uuliyiinta culayska na kor saarnaa naga qaaday guul iyo in ummada Galmudug ay u shaqeeyaan. Nin xilqaaday eed qaad/

Waxaa dhaqan ah in qofkii xilwaaya ama laga qaado uu dagaal galo sidii aan arki jirnay. Arinta xubnaha xilka laga qaaday waa ka bedelan tahay. Waxaan diyaar u nahay inaan gacan siino markii loo baahdo.

Waxaan dhamaan bahda Galmudug uugu baaqayaa inay taageeraan, gacanna siiyaan xubnaha cusub ee la magacaabay markii ay u baahdaan. 

Walaalaha , wasiirada cusubna waxaan leeyahay ku soo dhawaada xilalka.

Omarsuuri

Former Minister Of Planning and International Cooperation

Dr. Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri)

Sheekh Xasan Aw Aadan

Dr. Cumar Suuri oo la gudoonsiinayo shahaado soo dhaweyn gobolka Minnesota.

Mudane Cumar Suuri kusoo dhawow gobolka Minnesota

Dr. Cumar Suuri  oo la gudoonsinayo shahaado NABADA iyo HORUMARKA

Xafladii soo dhaweynta iyo isugu jirtay qado sharafka ee loogu talagalay Dr. Cumar maxamuud Rooble Cumar Suuri ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|