|
Xildhibaan Cali Seeko oo Cadeeyay in Shirka Wada Tashiga Soomaaliya Wajigiisa Muqdisho lagu qabanayo 25 Bishaan ocotober Garoowana Laga soo Weeciyay.
Oct,17,2011
www.Hobyoradio.com


Xildhibaan Cali Seeko oo Cadeeyay in Shirka Wada Tashiga Soomaaliya Wajigiisa Muqdisho lagu qabanayo 25 Bishaan ocotober Garoowana Laga soo Weeciyay.
Warar sir ay sheegayaan xil dhibaanada barlamanka Soomaaliya ayaa sheegaya in Shirkii Wada Tashiga Soomaaliya oo dhawaan wajigiisa Koowaad lagu Qabtay Magaalada Muqddisho wajigiisa Labaadna lagu heshiiyay in Lagu Qabto Magaalaad garoowe ee Ismaamul Goboleedka Puntland.
Xildhibaan Cali Seeko oo kamid ah Gudiga Cadaalada Barlamanka Soomaaliya ayaa Daaha Ka Qaaday in Ergayga Gaarka ah Ee Qaraamada midoobay uqaabilsan arimha soomaaliya Augustina Mahiga in uu Raisul Wasaare Gaas usoo Gud biyay Qoraal uu ku Doonayo in shirkii Wada Tashiga Soomaaliya Wajigisia Labaad ee Garoowe La Doonayay in Lagu Qabto Balse uu sheegay in Muqdisho loo soo Weecin doono.
Xildhibaan Seeko ayaa sheegay 13 kii Bishii Hore uu soo Gudbiyay Warqada uu ku Doonayo in shirka Wajigiisa labaad uu ka dhaco Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Xarunta xalane oo ay gacanta Ku Hayaan ciidamada midowga arfika ee amisom.
Durbaba Markii Laga war Helay arintaani ayaa waxa ka Hadlay sida an warka Ku Heleyno Madaxweyne Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan faroole oo sheegay in aysan arintaani dhici ka Rin uuna Ka Wan Toobo augustina waxa uu ku Kacayo shirkana lagu Qaban doono Magaalada Garoowe.
Xildhibaan Cali Seeko ayaa sheegay in Mahiga uusan soomaaliya kala Jacleyn uuna Doonayo Kala Ququbka iyo isku dirada Maamulda Ka jira Dalka soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Shirka Wada Tashiga Soomaaliya ayaa Lagu Waada in uu dhaco 25 ka Bishaan obtober uuna soo Gaba gaboobi doono isla 27 october waxaana wali Lahubin in Mahiga uu uhir Gali doono qorshahaan uu Doonayo.
Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com

|