Madaxweynaha Galmudug  Prof. Mohamed Warsame Kiimiko  iyo Wasiirka Arrimaha Guduha Col. Muxuyadiin M. Cali   oo shir ku qabtay magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Oct,17,2007 www.Hobyoradio.com

Madaxweyne Prof. Mohamed Warsame Cali kiimiko iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin Macalin Cali  oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Minneapolis  gobolka Minnesota.
 

Sheekh . Macalin Caafi

Ugu horeyntii ayaa waxaa Aayado Quraan ah iyo Wacdi ka jeediyay  shirka Sheekh Caafi  oo dadkii halkaa isugu yimid ku wacyi galiyay inay ilaahay ka baqaan Dadkooda tabaalaysan  iyo Dalkoodana u gar gaaraan.

Madaxweyne Prof. Mohamed Warsame Kimiko, W. Arrimaha Gudaha Co.Muxuyadin m Ali

Haji. Maxamuud Cabdi  iyo Madaxweyne Prof. Mohamed Warsame Cali Kiimiko

Jaaliyadda Galmudug ee gobolka Minnesota ayaa si farxad leh  usoo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha  Galmudug State.

Prof. Mohamed Warsame  oo howlo shaqo in mudo ah u joogay magaala madaxda  dalka Maraykanka ee Washington ayaa soo gaaray gobolka Minnesota si uu shir ula qaato  Jaaliyadda Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin M. Cali oo dhawaan socdaal kaga yimid Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Col. Muxuyadin Macalin Cali

Col. Muxuyadiin Macalin Cali oo isna in muda ah shaqo ugu maqnaa degaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug State ayaa kusoo laabtay bilowgii octobar  magalada Minneapolis oo uu Wasiirku  in mudaa daganaa.

Madaxweyne Prof. Kiimiko iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin M. Cali

Dr. Cabdirahman Ereg

W.H.Guud Xassan Hayl

Mudane. Mohamed Ahmed

Waxaa isna halkaasi ka hadlay soona dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha  Mudane. Haji Maxamuud Cabdi oo oga mahad celiayay madaxda shaqada ay u hayaan shacabka Galmudug, asagoo dadkii haalkaas  isugu yimidna ku booriyay inay Madaxdooda la shaqeeyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin M. Cali ayaa sheegay inay guulo la taaban karo ay  gaareen intii uu jiray Maamulka Galmudug State, haday tahay Xaga Maamul wanaaga, Amniga, Waxbarashada, Caafimaad  iyo  Horumarka goboladda iyo Dagmooyinka ay ka kooban tahay Galmudug.

Madaxweyne  Prof. Mohamed  Warsame Kiimiko  ayaa ku bilaabay hadalkiisa Ciid Mubaarak, Ciid mubaarak, Kullu Caam Wa Antum Bil kheyr, Madaxweynaha ayaa oga mahad celiyay Jaaliyada Minnesota  sida wanaagsan ee ay usoo  dhaweeyeen isaga iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Col. Muxuyadiin Macalin Cali.

Sheekh Cabdullaahi Faraweyne

Ugu Danbayntii shirka oo ay ka hadleen Madaxda Galmudug iyo Jaaliyada Minnesota oo ay kamid ahaayeen Wasiir Howlaha Guud Xasan Maxamuud Hayl, Madaxa Jaaliyada Mudane. Mohamed Ahmed Urur, Dr. C/rahman haji Ereg,  ayaa ku dhamaaday Jawi wanaagsan  waxaana Wacdi iyo Duco ku xiray  shirkii  Sheekh Cabdullahi  Faraweyne.

 

C/aziz Xogolof

Xogolaf@yahoo.com

Mnneapolis,MN,USA

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com