Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Ciidamada Kenya oo Saacadihii Udambeeyay Soo Buux Dhaafiyay xadka Kenya iyo soomaaliya iyo ayagoo Soo Galay Degmada Ceel Waaq Ee Gobolka Gedo.

Oct,18,2011 www.Hobyoradio.com

Ciidamada Kenya oo Saacadihii Udambeeyay Soo Buux Dhaafiyay xadka Kenya iyo soomaaliya iyo ayagoo Soo Galay Degmada Ceel Waaq Ee Gobolka Gedo.

Wararka iminka Naga soo Gaaraya Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo aad Ubadan oo Kenyaati ah ay Soo Buux Dhaafiyeen xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan ayagoona Dad Goob Joogayaal ah ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay soo Galeen Gudaha Degmada Ceel Waaq.

Waxaa la arkayay Ciidamada Kenya oo Wata Gawaarida Dagaaalka iyo kuwa Dabaabaadka ayna intaasi udheeraayeen Diyaaradaha Dagaalkla oo marba Marka ka Sii Dambeysa ay soo Galayaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka ay al shabab kusugnaayeen.

Soo Buux Dhaafida Ciidamada kenya ee Dhulka soomaalida ayay ka dambeyay Kadib Markii Raisul wasaaraha Kenya Raila Odinga oo cadeeyay in Caalamka uu Wax Ka Qaban Waayay in al shabaab oo Kamid ah argagixisada  Caalamka ay Markaani Kenya Wax Ka qaban doonto.

Waxaa Hada Cabsi wayn Laga Qabaa Dhaq dhaqaaqa xoogan ay wadaan Kuwa Kenya iyo kuwa al shabaab Lamana oga xili Dagaal al shabaab iyo Ciidamada kenya uu Bilaaban doono Waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in ay al shabaab Bilaabeen in ay Ka sii Baxaan Meel walbo ay Maqlaan in ay Kenya usoo socoto.

Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|