Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |

Warar Dheeraad ah oo Ku Saabsan Qaraxii Maanta kadhacay magalada Muqdisho

Oct,18,2011 www.Hobyoradio.com

Warar Dheeraad ah oo Ku Saabsan Qaraxii Maanta kadhacay magalada Muqdisho

Waxaa isi Soo Taraya qasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dhaawacyo badan geystay dhimashadana ay aad Uyartahay.

Inta laxaqiijiyay Waxaa Ku Geeriyootay sadex Ruux Halka Dhawaacana uu Caga Cageynayo ilaa iyo 25 Ruux oo sida ay sheegayaan saraakiisha isbitaalka banaadir oo Dhaawaca intiisii Badneyd La Geeyay.

Dad ku Dhintay ayaa Dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ganacsi Yar Yar Ku Lahaa inta udhaxeyso isgoyska Soobe iyo Kan Banaadir halka Dadka 25ka dhan ee Dhaawaca Soo Gaarayna ay Ubadnaayeen Dad Saarnaa Gawari BL: ah.

Sida aan Warku Ku heleyno Majirto Qasaaro intaa Ka badan oo uu qaraxu dhaliyay hayee shee Waxaa Goobta uu Qaraxa ka dhacay Yaalay Madax Dadeed oo Qaraxa uu Qofka Qoortu ka Gooyay halka Dadka kalena ay si Caadi ah udhinteen oo Firirka Gaariga is Qarxiyay uu Gaaray.

Dhaawacyadii la Geeyay isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir oo Hada Si caadi ah loo Geeyo dadka Dhaawaca ah ayaa Waxaa Hor Tuban Kumanaan qof oo Baadi Goob Xoogan ugu Jirto in ay Ogaadaan Dadka isbitaalka Lagu Gurayay iyo Dad kale oo Loo sheegay in dadkoodii uu dhaawac soo gaaray.

Hadaba caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Waxaa ku soo Badanaya qarax Yada iyo Miinooyinka Kadib Markii Magaalada Muqdisho Laga Saaray xarakada Kooxda al shabaab oo Sheegtay in hadii Magaaladii Laga Saaray ay Dagaalka ubadashay mid ismiidaamin ah oo ay Dadka shacabka ah ay Leyneyso.

Ilaa iyo Hada ma jirto Cid sheegatay qofkii Qaraxaa ka dambeyay iyo Ciii Qarxisayba  waxaase la soo sheegayaa in ay qaraxaasi fuliyeen kooxda al shabaab Balse aanan wali cadeysanin in ay ayaga ka dambeeyeen.

 Xafiiska radio Hobyo Ee Muqdisho

Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail:  hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com


COMMENTS-FIKRADAADA DHIIBO
Name*

Email*

Website*

Waftigii dowlada KMGHalkan ka Dhagayso
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State| Galkacyo| Hobyo| Ceelguula| Wasil| Bandiiradleey| Ceeldibir| Galinsoor| Bud Bud| Afbarwaaqo| Xingod| Bitaale | Galbarwaaqo|